Alljubba.com                                                                              Bogga Shaqaalaha Alljubba.com

latest News in Somalia                                                                               

 

        

Allpuntland.com
Allsanaag.com
Alljubbaland
Aminarts.com
Abaaqaroow.com
Afnugaal
Aayaha.com
Abaaji.com
Agabso.com
Aflax
Allwadani
Altaqwaa.com
AllSomali.com
BBC Soomaali
Biyokulule
Idamaale.com
Dayniile
Dhahar.com
Jamhuuriya
Gedonet.com
Godeynews.com
Golkhatumo.com
Hiiraan.com
HornAfrik Online
Hobyonet
Horseednet.net Laasqoray.net
Luuliyo.com
MarkaCadey.net
Mudug Online
Mudulood.com
Midnimo.com
Ramaas Software
Radio Garowe
Radio Dalmar
Radio SBC Puntlandpost
Puntlandonline
Qandala.com
Sscayn.com
Somalia Online
Somaali.com
Somalitalk
Somalitribune
Somaliweyn
Somaliland.org
Onkod.net

Xafladdii Furitaanka Alljubba.com


Kismayo -16-05-06 (Alljubba.com
) Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madaxda sarsare ee isbahaysiga dooxada Jubba oo uu hor kacayay guddoomiyaha isbahaysiga dooxada Jubba iyo ku xigeennadiisa laguna maamuusayay xafladda furitaanka websitekan www.alljubbaland.com ayaa maanta ka dhacday hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.
 
Col. Barre Hiiraale oo ka hadlay xafladii furitaanka Alljubbaland.com
Danjire Cabdi Shire oo ka hadlay furitaanka Websiteka Alljubbaland
Haweenkii ka qeybgalay xaflada furitaanka Alljubbaland
Marti sharaf iyo dhalinyaro badan oo ka qeybgalay xafladda
Haweenkii ka qeybgalay furitaanka xaflada



Xafladdaas ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay maamulka degmada, danjireyaal, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsato iyo dadweyne kaleba.

Waxaa xafladdaas ugu horreyn ka hadlay maamulka shabakadda Alljubbaland oo ku nuuxnuuxsaday juhdigii ay u soo galeen sameynta website ka run sheega kuna hadla magaca umadda Soomaaliyeed,isagoo xooga saari doona u adeega bulshada Soomaaliyeed guud Meelkasta oo ay joogaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Danjire Cabdi Shire iyo danjire Cabdi Cartan oo labaduba soo dhoweeyay bartan internetka ee ku soo biirtay warbaahinta caalamka.

Gebagebadii ayaa waxaa hadlay wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta xildhibaan Barre Aadan Shire oo ku tilmaamay hawl muhiim ah oo la qabtay, waxana uu u mahad celiyay dhallinyaradii iyo waayeelkii hawshan ka soo shaqeeyay rag iyo dumarba, waxana uu ugu baaqay in ay runta beegsadaan isla markaasna danaha dadka eegaan, Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in weriyeyaasha Jubbooyinka cid kasta oo ay u shaqeeyaanba ay xor u yihiin wixii dhaliilo ah ee wax toosinaya ee ay maamulka ku arkaan inay sheegaan.

Si kastaba ha ahaatee xafladdaasi waxa ay ku soo gebagebowday jawi aad u xasilloon.


Qore: Ahmed Mohamed Aden (Timajilic)

Wariyaha Alljubbaland

Kismayo, Somalia


Cabdi Wali Garyare
Alljubbaland.com Nairobi Kenya
garyare20@hotmail.com

 

 

Copyright © 2006Alljubbaland.com All rights reversed. Email.Alljubbalandnews@hotmail.com