Yurub oo Tahriibayashaa Hub kula Dagaalami Doonto.

Wasiirada Difaaca qaar kamid ah wadamada ku midoobey Ururka Midowga yurub ayaa sheegay in ay diirada saari doonaan sidii ay ku joojin lahaayeen qaxootiga kusoo qul qulaayo wadamadooda, waxay doontaba haku qaadatee.

Wasiiirada Difaaca wadamada Austria, Croatia, Czech Republic,Slovakia iyo Slovenia ayaa sheegay in si wada jir ah ay kaga wada shaqeyn doonaan waxa ay ugu yeereen qulqulka qaxootiga kasoo hayaamayo badamo badi Afrikaan ah oo ay Soomaaliya kamid tahay.

“Waxaan qaadeynaa tilaabo wax ku awl ah oo wadamada qaarada yurub ay ka faa”iidi doonaan oo waxaan ka hortagi doonaa qaxootiga sida sharci darada ugu soo qulqulaayo qaaradeyna, xitaa haday noqoto in aan u adeegsano hubka nuucyadiisa kala duwan waa hadii lama huraan noqoto in hub aan adeegsano” sidaasi waxaa yiri wasiirka difaacada wadanka Austria Hans Peter Doskozil.

Isagoo sii hadlaayana waxa uu yiri “Howlgal Milateri oo ka dhan ah qaxootiga ayaan sameyn doonaa maalmaha ma bilaha inasoo aadan bal si aan xitaa u yareyno qaxootigaan qaaradeyna qaribey”.

shir si heer sare ah loo soo agaaasimey oo ay wada qaateyn wasiirada difaaca qaar kamid ah qaarada Yurub ayaa waxa kasoo baxay war qoraal ah oo qeexaya in dhaq dhaqaaqyo Milateri looga hortagi karo qaxootiga qaaradaasi miciin bida.

Dhalinyaro fara badan oo Afrikaan ah ayaa naftooda ku biimeeyo gaarista qaarada yurub haba ugu badnaadaanee Soomaaliya iyo Ereteria , iyagoo qaxar iyo dhibaato kala kulmo sidii ay halkaa ku gaari lahaayeen, tii oo ay usii dheertahay in soo dhaweyn fiican aynan ka helin wadamada yurub inta badaha iyo saxaraha ka badbaada.

 

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...