Puntland oo Farxadda Ciida Aawgeed Cafis ufidisay in kabadan 100Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiyadeeda.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane  Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in Cafis loo fidiyay 119 Maxbuus, kuwaas oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Madaxweynaha Gaas ayaa sheegay in Maxaabiistaan Cafiska loogu fidiyay fadliga bisha barakeysan ramadaan owgeed.

Mudane Gaas  ayaa cafiskan sameeyay kaddib markii Guddi uu u saaaray in ay ka soo talo bixiyaan Maxaabiista Dambiyada yar yar ee cafiska lagu siideynayo Bisha Ramadaan darteed.

Waxaana guddigaas ay kormeer ay iyo qiimeyn ay ku sameeyeen xabsiyadda maamulka Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay soo diyaariyeen liis loogu tala galay dadkaasi ,islamarkaana ay horgeeyeen Madaxweyne Cabdiwali uuna aqbalay.

Waxaa uu sheegay Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland in Maxaabiistan laga soo xulay Xabsiyada kala duwan ee dhamaan Magaalooyinka Puntland sida Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...