Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta Dagaal uu dhex maray ilaalada saldhiga Boliska Warsheekh iyo Ciidamo Milatari ah oo Saldhigaasi Weeraray.

Dadka ku dhaqan Degmadaasi ayaa sheegaya in rasaas culus leesku adeegsaday, Ciidamadii Milatariga ahaana Ay la wareegeen dhismaha Saldhiga Boliska Degmada Warsheekh.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa la sheegay in uu hogaaminayay taliyaha ururka 28aad ee guutada 4aad ee ciidamada xoogga dalka Cornel C/qaadir Nuur Xasan Qoondhe.

Hal Askari ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas uu ku geeriyooday Askar kalena lagu heesto gudaha Saldhiga,sida Radio Dalsan uu u sheegay qof kamid ah dadka ku dhaqan Warsheekh.

Weerar ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Milatariga ay xalay Kontarolka Degmadaas ay ka qabteen 4-Askari oo la sheegay  in ay ahaayeen Ciidanka Maamulka Degmaadasi, balse Saarakiisha Milatariga waxa ay Sheegeen in Isbaaro ay dhiganayeen Askartaasi una wareejinayaan Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Degmada Warsheekh Muriidi Xassan ayaa Wareysi lala yeeshay waxa uu kaga hadlay weerarkaasi,waxaaana uu sheegay in taliyaha ururka 28aad ee guutada 4aad ee ciidamada xoogga dalka Cornel C/qaadir Nuur Xasan Qoondhe uu weerarkaas ku qaaday Saldhiga Boliska.

Taliye Qoondhe ayaa lagu eedeyay in dhibaatooyin uu ka geestay Degmadaasi,Isbaarooyin hareeraha Degmada yaalana isaga uu mas’uul ka yahay sida uu sheegay Gudoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Warsheekh.

 

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...