Alshabaabkii ugu Badnaa oo ka Gudbay Xuduuda Kenya iyo Cabsi badan oo soo Wajahday Dowlada.

Sida ay shaaciyeen Ciidamada Booliska dalka Kenya tiro ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanadaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka gudbeen xadka ay Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya.

Warbaahinta gudaha dalka qaarkood oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Booliska ee ku sugan degaanada gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa ay sheegeen in tiro ku dhow labaatan dagaallame ay ka gudbeen xadka ,islamarkaana ay u gudbiyeen dhanka dalka Kenya.

Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku sugan xadka ayaa waxa ay sheegeen in ragga hubeysan oo ay aaminsan yihiin in ay ka tirsan yihiin Shabaab, ay ku arkeen xadka ,islamarkaana ay waydiiyeen halka ay jooggaan Ciidamada dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay ka gudbeen xadka ay wadaagaan labada dal waxaana ay weeraro ka geysteen degaano hoos yimaada gobolka waqooyi Bari.

Tuulooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Ciidamada Booliska ah ee joogga ayaa waxaa soo foodsaartay Cabsi aad u badan.
Dowladda Kenya dhawaan sheegtay in ay ka feejigan tahay Weeraro kaga yimaada Xarakada Al-Shabaab maalmaha Ciida.

 

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...