XOG: Dowladda Qatar oo Somalia ubalan Qaaday Lacag udhigta Tii Dowladda Sucuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa culeys ba’an ku heysa dowlada Somalia oo dhawaan ku dhawaaqday inaysan qeyb ka aheyn xiisada ka dhex aloosan Qadar iyo Sacuudiga.

Dowlada Somalia ayaa ka cudur daaratay inay lug ku yeelato xiisada labada dal, iyadoo sabab ka dhigtay inay dhex maquureyso xaalado aysan uga maarmi karin dowladaha uu muranka ka dhex jiro.

Dowlada Somalia waxa ay si bareera u diiday ka jawaabida dalabyo dhowr ah oo kaga imaaday Sacuudiga kuwaa oo ku xeeran jarida xiriirka kala dhexeya Qadar.

Wixii intaa ka danbeeyay dowlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay jartay deeqihii ay siin jirtay Somalia, kadib markii ay kamid noqon weyday xulafadeeda kasoo horjeeda dowlada qaniga ah ee Qadar.

Sacuudiga waxa ay sidoo kale ku goodisay inay hakin doonto bixinta dal ku galka Soomaalida dooneysa inay gutaan waajibaadkooda Xajka iyo cumrada

owlada Qadar oo ka duuleysa go’aanka uu Sacuudiga ku jaray deeqaha, ayaa sheegtay in Somalia ay la garabtaagan tahay dhammaan waxyaabaha aasaasiga oo ay ka heli jireen Sacuudiga.

Qadar waxa ay ballanqaaday xitaa inay bixin doonto dhaqaalaha ay Somalia ka heli jirtay Sacuudiga, isla markaana uusan banaanaan doonin booska Sacuudiga.

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al­Thani iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Maxamed Cabdulraxman Al Thani, ayaa si wada jira u ballanqaaday inay garab libaax siin doonaan Somalia oo iska diiday inay qeyb ka noqoto Xulafada Sacuudiga.

Sidoo kale, waxa ay sheegen inay buuxin doonaan booska ay faarujisay dowlada Sacuudiga iyadoo laga dhabeynaayo mowqifka uu Qadar ka qaatay Sacuudiga.

Dowlada Somalia ayaa looga fadhiyaa inay ka faa’iideysato is garabtaaga Qadar, waxaana la hadal hayaa in Qadar ay bixin doonto dhaqaale dheeri ah oo loogu yaboohi doono Somalia.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...