Senator Faroole oo eedeyn usoo Jeediyay Wasiir Xoosh “Ninkaas waa in Maxkamad lasoo taagaa”.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah Xubnaha Aqalka Sare Barlamaanka Soomaaliya, ayaa si faah faahsan uga hadlay marxaladihii uu soo maray Dastuurka dowladda Federaalka Somalia, xilli magaalada Garowe uu joogo wafdi kasocda dowladda dhexe oo wada qorshayaal ku aadan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka.

Farole, ayaa sheegay in dastuurkan lagu saxiixay magaalada Nairobi kuwaasoo ay qalinka ku duugeen lix saxiixe oo kasocday dowladda dhexe, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca, kaasoo damaanad qaade ka ahaa Wakiilkii markaas u joogay Qaramada Midoobay  Somalia Augustine Philip Mahiga.

Farole, ayaa Wasiir Xoosh ku eedeeyay inuu marin habaabiyay Dastuurka Somalia iyo saxiixayaashiisa, taasna ay tahay nasiib darro iyo been abuur loo gudbinayo shacabka.

Dastuurka oo Wasiir Xoosh tilmaamay inaan waxba laga farogalin ayuu Farole ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isagoo xusay in qodobo badan faraha la galiyay oo sidii loo saxiixay qaab ka badalan loo gudbiyay, taasoo uu xusay inay ka sameeyeen qoraalo tiro badan.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...