Puntland oo Heegan Sare Gelisay Ciidankeeda Xilli Alshabaab ay ….

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa heegan buuxa la geliyay ciidamada kala duwan ee Maamul goboleedka Puntland kadib markii ay saraakiishu sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ay wadaan dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab kana wadaan dhanka Buuraha Galgala.

Dhanka kalena, Ciidanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay howlgalo xooggan ka wadaan bartamaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo kantaroolada, kadib markii ay soo bateen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya deegaanada Puntland iyagoo ka shaki qaba in qaraxyo la soo saaro.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in ciidanka  ee ku sugan buuraha Galgala ay heleen xogo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo Al-Shabaab.

Tan iyo markii deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ay weerar khasaaro dhaliyay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada maamulka puntland ay wadeen howlgallo iyo waliba feejignaan dheeri ah iyagoo ka cabsiqaba in weeraro kale lagu soo qaado.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...