Maleeshiyaad Hubaysan oo isu Diyaariyay in ay Cali Khaliif udiidaan Imaashaha Buuhoodle.

Wararka aan Maanta ka heleyno Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalan karta gacan ka hadal taas oo ay wadaan maleeshiyaad hubeysan.

Maleeshiyaad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay isku aruursanayaan deegaanka Soojeede oo 40 -km u jira magaalada Buuhoodle kuwaas oo deegaan ahaan ka soo jeeda Maamulka Puntland.

Maleeshiyaadkaan ayaa waxa ay ka soo horjeedaan talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ee ah in uu ku biiray mudo wadahadal kadib Maamulka Soomaaliland oo dhowr jeer uu dagaal la galay.

Ciidamada ayaa Cali khaliif u diiday in uu tago magaalada Buuhoodle iyagoo ka soo horjeeda heshiiskii Shanta qodob ka koobnaa ee ay Maalin ka hor kala saxiixdeen Maamulka Soomaaliland iyo Khaatumo oo uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galeyr.

Magaalada Buuhoodle ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq Ciidan xaaladeeduna waa ay kacsan tahay,waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi dagaal ku dhex maro ciidamada Soomaaliland iyo ciidamadan Maleeshiyaadka ah ee ku kacsan Cali Khaliif Galeyr.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatuma oo ku sugan Magaalada Buuhoodle oo aan la xiriirnay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino waxa ay ka ogyihiin xiisadaan iyo waliba Maleeshiyaadka Hubeysan ee Cali Khakiif Galeyr uu diiday in uu tago Magaalada Buuhodle ee gobolka Togdheer

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...