Akhriso+Sawiro:-Masaajidyo Magac Iyo Maqaam Ku Leh Qalbiga Muslimiinta

Dunidaan Daafaheyda waxaa ku yaallo Masaajidyo Magac iyo maqaam sare ku leh Qalbiga Muslimiinta, in aan baranaana sida ay u kala weyn yihiiin waa wax inoo muhiim ah hadaynu nahay Muslimiin, hadaba halkaan hoose waxaa ku qoran 5”masjid ee ugu weyn adduunka iyo halkay ku yaalaan.

  1. Masjidka Al-Xaram (Xaramka)

Masjidka ugu weyn adduunka waxaa lagu magacaabaa Al-Xaram(Xaramka) waxa uuna ku yaalaa Magaalada Maka ee wadanka Sacuudiga, waxaana Masjidkaani ku hareersan Kacbada Barakeysan oo ay Muslimiinta meel walba oo ay joogaan usoo jiheestaan marka ay dukanaayaan.

Masjidkaani waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Masjidka Masaajidyada maadaama uu yahay meesha masaajidyada dunida ku yaal loo soo jiheeyo,waana masjidka ugu caansan oo kala bar Aadanaha adduunka ku nool way garanaayaan.

Baaxada Masjidka Xaramka waa 4,008,020 Mitir oo isku weeran, waxa uuna qaadaa oo mar qura kuwada dukan kara ilaa iyo 4,0000 oo ruux, waana meel kamid ah meelaha adduunka ugu baaxada weyn oo ay dad intaasi gaaraya ay iskugu imaan karaan.

  1. Masjidka al-Nabawi

Masjidka al-Nabawi “Masjidka  Nebiga” SCW,  waxaa badi loogu yeeraa Masaajidka Nebiga  waana Masjidka Labaad ee ugu weyn adduuunka inta la ogyahay , waxa uuna ku yaalaa Magaalada Madiina Al-Munawara ee isla wadanka Sacuudiga.

Masjidkaani waxa uu islaamku ku leeyahay Magac weyn oo waxa  uu wataa Magaca Nebiga waana meesha labaad marka lagasoo tago Kacbada oo ay muslimiiinta ay barakeystaan.

  1. Masjidka Imam Reza

Masjidka Imam Reza  waa Masjidka ku jira kaalinta 3”aad marka loo eego masaajidyada ugu weyn adduunka, waxa uuna ku yaalaa Magaalada Mashhad  oo ah Magaalada Labaad ee ugu weyn wadanka Iiraan, Dhismaha masjidkaani ayaa waxa uu ka koobanyahay qeybo kala gedisan, waxaana ku dhex yaallo Jaamacada weyn ee Islaamiga ah ee Razavi University of Islamic Sciences.

Baaxada Masjidkaani in ay tahay mid weyn waxaa kuu muujinaayo marka aad ogaato in masjidkaani uu ku dhex yaallo Khabuuro weyn oo lagu aaso Muslimiinta dalkaasi badigooda, Mowlac weyn oo Diinta Islaamka lagu darso oo lagu barto, Madxaf weyn oo lagu keediyo taariikhda Islmaaka, iyo Maktabad weyn oo laga heli karo Kitaabo.

4.Masjidka Istiqlal

Masjidka 4”aad ee ugu weyn adduunka waxaa lagu magacaabaa Istiqlal, waana Masjidka 1”aad  ee ugu weyn Koonfur Bari Aasiya (Southeast Asia) waxa uuna ku yaalaa Magaalada Jakarta ee  Caasimada wadanka ugu badan  oo ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan adduunka  ee Induniisiya (Indonesia).

Masjidkaani ayaa waxaa la dhisay markii Induniisiya (Indonesia)  ay ka xuroowday gumestahii  Ducht”ka (Holand,Netherland) sidaasi darteed ayaa loogu bixiyey magaca Istiqlal oo ah eray Carabi ah oo micnaheydu yahay Xuriyad.

Muslimiinta dalkaasi Masjidkaasi micno weyn ayuu ugu fadhiyaa maadaama markii magaciisa lasoo hadal qaado ay dareemayaan in ay yihiin wadan iyo dad xur ah.

5.Masjidka Xasan II (2”aad)

Masjidkaani waxa uu ku yaalaa Magaalada Casablanca (Kaasabalaanka) ee  Wadanka Morocco, waana masjidka ugu weyn wadankaaasi, halka kaalinta 5”aad uu kaga jiro masaajidyada ugu weyn adduunka.

Waxaa naqshadeeyey Injineerkii Faransiiska ahaa ee la oran jiray  Michel Pinseau, waxaana dhisay Bouygues.

Waxa uu leeyahay masjidkaani Minaarada ugu Dheer marka lala barbar dhigo masaajidyada ugu weyn adduunka.

Masjidkaani Munaasabada Ciida oo kale ama markii shaqsi magic leh salad janaaso lagu dukanaayo waxa la iskaga kala imaadaa dhamaan magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

W/Q:- Ayuub Mohamed Ahmed (Fantastic)

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...