Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan oo sheegtay in Saacad Waliba loo soo Diro Fariimo Hanjabaad ah.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, marna noqotay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay in dhaqanku yahay caqabada ugu adag ee haweenka Soomaalida ka hortaagan ka qayb galka siyaasadda.

Foosiya oo u warantay telefishanka Aljazeera, waxay sheegtay in dumar badan ay rajo gashay markii ay noqotay wasiirka arrimaha dibada Somaliya, waxase ay sheegtay inay har iyo habeen hesho farriimo hanjabaad ah,  “Hadh iyo habeenba waa la ii soo hanjabaa. Haa way dhacdaa, laakiin kama baqanayo waxa beri dhici doona, maanta ayaan mashquul ku ahay.” ayay tidhi Foosiya, waxaanay iyadoo ka hadlaysa xilkii wasiirka arrimaha dibadda oo ay noqotay haweenaydii u horaysay ee xilkaas qabatay, ay tidhi “Waxay ahayd markii u horaysay. Waxaan safari ku tagi jiray gudaha dalka, mar kasta oo aan la hadlo gabdhaha yaryar waxay igu odhan jireen hadda waxa noo muuqata rajo, hadda wax baan qaban karaa, hadda meel ayaan qabsan karaa, waxaan ana u sheegi jiray mar kasta oo aan la hadlo cidi idima joojin karto haddii aad meel doonaysaan. Raggu way idin taageerayaan haddii aad ugu dambayn tidhaahdaan dib uma noqonayno.”

Foosiya waxay sheegtay in caqabadaha dumarka ka haysta ka qayb galka siyaasada ay ugu weyntahay dhaqanka. “Waa caado in dumarka laga ilaaliyo awooda, laakiin ma rumaysni inay tahay diin.” ayay tiri,  “Waxa ugu weyn ee loo baahanyahay waa in qabyaaladda laga hortago.  “Haddii aad dib ugu noqoto taariikhdii hore ee Soomaalida ee waagii baadiyaha, dumarka ayaa waxa kasta qaban jiray. Awood ayaanu lahayn waagaas hore. Waxa jiray dumar ka qayb galay dawladda sannadkii 1968, sanadahan dambe ayaa dib lanoo riixay.”

Waxay Foosiya sheegtay in haddii ragu arkaan dumarka oo socda islamarkaana bilaabaya hawlo ay soo dhawayn doonaan.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...