Dhagayso: R/W.Khayre “Shacabka Somaliyeed waxaa dhameeyay Xabad iyo Qarax”.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay  in Xabadaha iyo walxaha qarxa ee dalka ka dhaca  dhibato ay ku hayaan dadka shacabka ah.

Xili uu kormeer ku tagay qaar kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho oo ay jiifaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan kii Maqaayadda Pizza House iyo Boosh, ayaa sheegay in dadka Soomaliyeed ay dhibaato badan ay kala kulmaan Xabadaha iyo walxaha qarxa oo ku jira gacmaha shaqsiyaad gaar ah, kuwaasi oo shacabka ku dhibaateeya.

“Ka Xukuumadda ahaan waxaan xanuunka la qeybsanaynaa shacbaka Soomaliyeed ee waxyeelada ay kasoo gaartay dagaalada dalka ka socda, Soomalida waxaa baabi’iyay Miino xabad iyo madfac,aan ka shaqeyno sidii hubkaas dadka lagu dhibaateenayo ay dowladda Soomaliya gacanta ugu dhigi laheyd si shacabka loo badbaadiyo aysan waxyeelo u gaarin”, ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

HALKAAN KA DHAGAYSO:

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...