Xiisadda Udhaxaysa Jabuuti iyo Eritrea oo Cirka isku sii Shareertay.

Dowladda Jabuuti ayaa ku eedeeysay dalka ay deriska yihiin ee Eritrea in ay ciidamo geysay xadka ay ku muransanyihiin labada dal.

Wasiirka arimaha dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf,ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay xadka xoog kusoo galeen.

Ma jirto cid madax bannaan oo arintaa caddaysay iyo jawaab ka soo baxday Eritrea toona.

Wasiirku wuxu sheegay in Djibouti doonayso in khilaafka lagu dhameeyo si nabad ah laakiin ay diyaar u tahay dagaal hadii laga fursan waayo.

Hadalkan wasiirku wuxu soo baxay ka dib markii ciidamadii nabad ilaalinta Qatar ee joogay xadka labada dal u dhexeeyaa ay ka baxeen halkaa, sababtuna ay ahayd markii labadaa dal ee ku yaal Afrikada Bari ay labaduba la safteen Sacuudi Carabiya.

Djibouti iyo Eritrea ayaa ku dagaalamay soohdinta u dhaxaysa sannadkii 2008-dii, hase ahaatee waxay markii dambe aqbaleen in Qatar dhexdhexaadiso oo ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo dirto.

Djibouti waxay xulafo la tahay reer galbeedka oo waxa dalkeeda saldhigyo ciidamo ku leh Faransiiska iyo Maraykanka, sidoo kalena waxa dekeddeeda wax kala soo daga oo ka dhoofsada dalka ay Eritrea.

Eritrea ayaan xidhiidh fiican la lahayn reer galbeedka, waxaana hore loogu eedeeyey in ay taageerto kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah. Haseyeeshe eedahaa Eritrea way beenisaa.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...