Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Howlgalo Ka wado Jowhar

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo saakay waxa ay ka wadaan degmada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Howlgalka ayaa ciidanka dowladda waxa ay ku sheegeen in ay ku baadi goobayaan dadka amni darada ka wado degmada  Jowhar ee Shabeelaha Dhexe.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xalay ka dhacay Qarax.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Madaxtooyadda maamulka Hirshabeelle.

Sida ay alljubbaland u xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxaasi , waxaa ka dhashay Khasaare dhaawac ah , waxaana uu ahaa Bambo Gacmeed lagu weeraray Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida ee ku sugan Magaalada jowhar.

Ciidamada Ammaanka oo soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay bilaabeen howlgal xooggan oo ay ka sameeyeen Xaafadda uu Qaraxu ka dhacay , waxaana la sheegay in ay soo qabteen tiro dhalinyaro ah , islamarkaana ay baaris ku hayaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka inta lagu gudajiro Bisha Barakeysan ee Rammadaan si aysan u dhicin falal Lidi ku ah Ammaanka.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...