Wax Garadka Gobolka Mudug ayaa ku Baaqay in Laga Hor tago Xiisada Bariga Gobolka Mudug

Xili Saacadihii Ugu danbeeyay Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug ay ka jirtay Xiisad Udhaxaysa Maleeshiyaad reer Miyi ah oo Galmudug Iyo Puntlan ka soo kala jeeda.

Wax Garadka Gobolka Mudug Qaarkood oo La hadlay Warbaahinta alljubbaland.com ay ku baaqayaan in Maamulada Gobolka ee Galmudug Iyo Puntland Looga Baahanyahay Inay ka hortagaan Inay Xiisaddan isku Badasho Gacan Ka hadal ama dagaal Saameyn ku yeesha dadka dariska ah.

Baaqa nabadeed ee Wax garadka Gobolka Mudug ayaa Imaanaya kadib Markii Galinkii danbe ee Maalinimadii Arbacada Maleeshiyaad la sheegay inay ka tiryihiin Puntland Aaga Deegaanka Sarjimaale ka Geysteen Weerar Sababay dhaawac Hal ruux oo kasoo jeeda Galmudug Sidoo kalana ay kaxaysteen Geel uu la joogay Ninka La dhaawacay.

Inta Badan isku dhaca Maleeshiyaadka hubaysan ee dhex mara Xoolo dhaqatada ayaa ka ka bilowda Kala dhaca Geela iyo dhul daaqsimeedka oo La isku Qabto.

Waxayna Tani kusoo Beegmaysaa iyada oo Inta Badan Gobolka Mudug ay ka Curteen roobabkii Gu’ga bulshaduna yihiin kuwa kasoo kabanaya Raadadkii ay reebeen Abaarihii dadka iyo duunyada Saameeyay

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Dhagayso: Jubbaland oo Kordhnaysa Howlgalada Mudda lagu Jira Bisha Ramadaan + Digniin loo Jeediyay Makhaayadaha.
- May 26, 2017
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay ...
Dhagayso: Taliska Ciidanka XDS oo DFS ka Dalbaday in lasoo saaro Sharci Ogolaanaya in Meel Waliba lagu Toogto Burcadda.
- May 26, 2017
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ...
Dhagayso: Eng.Yariisow “Markii ay Arkeen in DFS ay ka Go’an tahay Ciribtirkooda ayay Bilaabeen Weeraro Naf la Caaranimo ah”.
- May 26, 2017
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah ...
Daawo Sawiro laga Soo Qaaday Markii Xabsiga laga sii Daayay Wariye Cabdimaalik Coldoon.
- May 26, 2017
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland ayaa cafis Madaxweyne u fidiyya Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhoor ...
Dhagayso: Dowladda Mareekanka oo Malaayiin Dollar ku Bixinaysa Taakulaynta Abaaraha ee Afar Wadan oo ay Somalia ku jirto.
- May 26, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay ...
Jubbaland “DFS Ma Ogolo in si Siman loo Qaybsado Khaydraadka Dalka”.
- May 26, 2017
Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya aysandiyaar u ahayn in la ...
Faahfaahin: Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu Muqdisho.
- May 26, 2017
Haweeney la sheegay iney ganacsato aheyd ayaa Habeenkii Xalay lagu dilay xaafadda Sey-biyaano oo ...