Nabadoon ku Geeriyooday Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Baladwayne.

Ala Ha u Naxariistee waxaa magaalada beledweyne Shalay Gelinkii Dambe ku geeriyooday Nabadoon Maxamed Maxamuud Cali(Garabeey) oo Shalay ku dhaawacmay dagaal  galbeedka Magaaladaas ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo maleeshiyaad la magac baxay West Land.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magalada Beledweyne Korneel Bidaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Nabadoon-ka uu ku dhaawacmay rasaasta ay isweedaarsanayeen Labada dhinac, islamarkaana uu Shalay Galab ku geeriyooday isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Magalada Beledweyne Korneel Bidaar ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid aad u dagan islamarkaana uu joogsaday dagaalkii u dhaxeeyay labada dhinac.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Dhagayso: Jubbaland oo Kordhnaysa Howlgalada Mudda lagu Jira Bisha Ramadaan + Digniin loo Jeediyay Makhaayadaha.
- May 26, 2017
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay ...
Dhagayso: Taliska Ciidanka XDS oo DFS ka Dalbaday in lasoo saaro Sharci Ogolaanaya in Meel Waliba lagu Toogto Burcadda.
- May 26, 2017
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ...
Dhagayso: Eng.Yariisow “Markii ay Arkeen in DFS ay ka Go’an tahay Ciribtirkooda ayay Bilaabeen Weeraro Naf la Caaranimo ah”.
- May 26, 2017
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah ...
Daawo Sawiro laga Soo Qaaday Markii Xabsiga laga sii Daayay Wariye Cabdimaalik Coldoon.
- May 26, 2017
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland ayaa cafis Madaxweyne u fidiyya Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhoor ...
Dhagayso: Dowladda Mareekanka oo Malaayiin Dollar ku Bixinaysa Taakulaynta Abaaraha ee Afar Wadan oo ay Somalia ku jirto.
- May 26, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay ...
Jubbaland “DFS Ma Ogolo in si Siman loo Qaybsado Khaydraadka Dalka”.
- May 26, 2017
Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya aysandiyaar u ahayn in la ...
Faahfaahin: Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu Muqdisho.
- May 26, 2017
Haweeney la sheegay iney ganacsato aheyd ayaa Habeenkii Xalay lagu dilay xaafadda Sey-biyaano oo ...