Maxkamadda Ciidamada QS oo fulisay xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa  in uu fuliyay Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi, 26-ki November 2016.

Dilkan toogashada ah oo ka dhacay Fagaaraha ku yaalla Iskool buluusiya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiil Ciidan Ciidamada dilka fulinayay iyo xubno kale.

Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay ninkaan inuu horay u qirtay dambiga ah inuu ka dambeeyay qaraxaasi Shabaabna uu ka mid ahaa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 13-kii March ee sanadakn xukun dil ah ku riday C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa Ninkii waday Gaariga ku Qarxay Suuqa Beerta, waxaana Maxkamadda ay sii deysay 6 kale kuwaasi oo lagu waayay dambi.

Godoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamadda Qalabka sidda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah.

Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi 26-kii November 2016 ayaa waxaa ku dhimatay 10 Qof halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo halkaasi ku Ganacsanayay

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...