DHAGEYSO::xildhibaano ku midoobay hor usocod oo maanta shir,jaraa,id Sababta

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, Xildhibaanadii ku bahoobay madasha Horay u socod, ayaa waxa ay ku beeniyeen inay yihiin mucaarad qorshahoodana uu yahay inay dumiyaan Dowladda cusub.

Xubnahan oo kulanka isugu yimid Hotelka Muqdisho Guest House, ayaa waxa ay ku sheegeen in qorshahooda uu yahay madal la doonayo in looga dhamaado Qabyaaladda islamarkaana lagu joojiyo ,waxaana ay ku dareen in aysan iyaga ahayn Dowlad Dumis.

Madashan ayey sheegeen in ay tahay madal ay leedahay umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ka qeyb geli karo qofkasta oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo Shir gudoominaayay kulankaasi ay yeeshen Xildhibaanada Madasha horay u socod, ayaa waxa uu sheegay in markasta muhiim ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 loona gudbo nidaam Soomaalida oo dhan si isku mid ah wax ay ku qaybsanayaan.

Ilaa Bisha July ayey sheegeen in ay madashan furan tahay,waxaana ay ujeedadoodu ku sheegeen in laga gudbo qabyaaladda loona gudbo hannaanka Axsaabta,madashana loo dhisay in ay muujiso kaliya  dhaliilaha togan ee dowladda.

Xildhibaanadan ayaa maalmo ka hor Nairobi kaga dhawaaqay madashan cusub, taasi oo dareen galisay madaxda Dowladda, maadaama xubnaha hormuudka u ah madashan qaarkood ay horay u waayeen xilal Dowladeed oo ay u tartameen.

 

Halkaan Ka Dhageyso Codadka oo Dhamaystiran

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Dhagayso: Jubbaland oo Kordhnaysa Howlgalada Mudda lagu Jira Bisha Ramadaan + Digniin loo Jeediyay Makhaayadaha.
- May 26, 2017
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay ...
Dhagayso: Taliska Ciidanka XDS oo DFS ka Dalbaday in lasoo saaro Sharci Ogolaanaya in Meel Waliba lagu Toogto Burcadda.
- May 26, 2017
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ...
Dhagayso: Eng.Yariisow “Markii ay Arkeen in DFS ay ka Go’an tahay Ciribtirkooda ayay Bilaabeen Weeraro Naf la Caaranimo ah”.
- May 26, 2017
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah ...
Daawo Sawiro laga Soo Qaaday Markii Xabsiga laga sii Daayay Wariye Cabdimaalik Coldoon.
- May 26, 2017
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland ayaa cafis Madaxweyne u fidiyya Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhoor ...
Dhagayso: Dowladda Mareekanka oo Malaayiin Dollar ku Bixinaysa Taakulaynta Abaaraha ee Afar Wadan oo ay Somalia ku jirto.
- May 26, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay ...
Jubbaland “DFS Ma Ogolo in si Siman loo Qaybsado Khaydraadka Dalka”.
- May 26, 2017
Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya aysandiyaar u ahayn in la ...
Faahfaahin: Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu Muqdisho.
- May 26, 2017
Haweeney la sheegay iney ganacsato aheyd ayaa Habeenkii Xalay lagu dilay xaafadda Sey-biyaano oo ...