Burcad Badeed Soomaali Ah Oo Ku Fashilmay Qabsashada Markab Laga Leeyahay Liberia

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka india oo lagu magacaabo Navy Patrol vessel Sharda ayaa waxa uu badbaadiyey markab xamuul kaa oo uu ka dul babanaayey calanka laberia markabkaasi lagu magacaabo mountbatten, kaasi oo ay isku dayeen in ay weerar ku qaadan burcad badeed soomaaliyeed.

Markabkaan ayaa waxa uu ku socdaalayey meeel u jirto biyaha Soomaliya 150 nm,waxuuna xilaagaasi ku jiray howlahiisa caadiga ah, waxaana kusoo dhawaaday doonyo labo ay ku sheegeen oo aad u hubeesan, durbadiina waxay wacdeen oo ay caawimaad weydiisteen markabka india laga leeyahay oo markii dambe usoo gurmaday.

Markabka weerarka lagu qaaday ee mountbatten ayaa waxa uu jiray 30 nm markabka dagaalka ee india laga leeyahay xiliga weerarka lagu qaaday, markabkaan dagaal ayaa markuu goobta soo gaaray waxaa uu markabka gurmadka weydiiste u diray diyaarad helicopter ah oo u kuur gasha xaalada shaqaalaha markabkaasi.

Ugu dambeyntiina waxaa suurta gashay in kooxahii burcad badeeda soomaalida ay iskaga cararaan goobtaasi markii ay dareemeen in markab dagaal uu kusoo wajahanyahay ayna u babac dhigi Karin, markabka india laga leeyahay ayaa howl galiyey ciidamo gaar ah kuwaasi oo ku raad jooga burcad badeeda soomaalida, inkastoo aan laga war heyn in ay u suurto gashay in ay gacanta kusoo dhigaan burcad badeedaa soomaalida ah.

Shantii sano ee u dambeeyay waxaa yaraday dhaqdhaqaaqa burcad badeeda soomaaliyeed inkastoo sanadkaan gudahiisa la diiwaan geliyey falal dhowr ah oo ka dhan ah burcad badeeda soomaaliyeed iyagoo sameeyay isku dayo dhowr ah oo ay ku doonaayeen qafaalashada maraakiibta.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...