Ethopia oo Safaarad uga Dhistay Addis Ababa Maamulka Somaliland.

Dowladda Ethopia ayaa qaaday talaabo u muuqata mid ka careysiinaysa Dowladda Federaalka Soomaliya kadib markii Maamulka Somali-land ay u aqoonsatay dal Madax Banaan islamarkaana Safaarad gaar  ah u dhistay.

Dhismaha cusub ee dowladda Itoobiya siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa ku yaalla Xaafada Bole, waxaa baraha bulshada la soodhigay sawirka dhismaha iyo boor ku qoran afka English­ka”The Republic of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa”,(Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiska Diblomasiyadda ee Addis Ababa).

Somaliland waxay horay wakiil ugu magacawday dalka Itoobiya, kaasoo degenaa dhisme Ijaar ahaa, balse tallaabada ay Itoobiya ku siisay dhismaha cusub waxay noqon kartaa mid xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka hadlayay saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera, ayaa ka hadlay halka uu ka imaanayo saamigaas, isagoo tilmaamay in DP world oo lahayd saami ah 65% laga jaray 14%, halka Somaliland oo lahayd 35% laga jaray 5%, sidaasna Itoobiya lagu siinayo 19%, waxase uu sheegay inaanay Itoobiya weli si rasmi ah qayb uga noqon maalgashiga dekedda Berbera.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...