Faah faahin Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Gaari oo ka dhacay dhabar dambe ee Guriga Hooyooyinka Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxa uu mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, maadaama uu Gaari walxaha Qarxal laga soo buuxiyay.

Qaraxan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Afaafka hore ee Rug caafimaad oo ku taalla dhabar dambe ee Guriga Hooyooyinka Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka ayaa alljubbaland u sheegay Gaariga Qarxay in markii horeba ay Ciidanka ammaanka ku raadjoogeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen Dadka shacabka ah in halkaasi laga kala eryay markii hore, maadaama Gaariga laga shakiyay, taasi oo koobtay khasaaraha badan ee ka dhalan lahaa Qaraxan.

Dad Goobjoogayaal ah oo u waramay alljubaland ayaa sheegay Qaraxan in ay ku dhawcmeen tiro dad ah, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo bartiisa Facebooka ku soo qoray hadal kooban ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen Raggii watay Gaariga, kaasi oo Qarxay inta aysan soo gaarin Hay’adaha Miina baarista.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Dhagayso: Jubbaland oo Kordhnaysa Howlgalada Mudda lagu Jira Bisha Ramadaan + Digniin loo Jeediyay Makhaayadaha.
- May 26, 2017
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay ...
Dhagayso: Taliska Ciidanka XDS oo DFS ka Dalbaday in lasoo saaro Sharci Ogolaanaya in Meel Waliba lagu Toogto Burcadda.
- May 26, 2017
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ...
Dhagayso: Eng.Yariisow “Markii ay Arkeen in DFS ay ka Go’an tahay Ciribtirkooda ayay Bilaabeen Weeraro Naf la Caaranimo ah”.
- May 26, 2017
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah ...
Daawo Sawiro laga Soo Qaaday Markii Xabsiga laga sii Daayay Wariye Cabdimaalik Coldoon.
- May 26, 2017
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland ayaa cafis Madaxweyne u fidiyya Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhoor ...
Dhagayso: Dowladda Mareekanka oo Malaayiin Dollar ku Bixinaysa Taakulaynta Abaaraha ee Afar Wadan oo ay Somalia ku jirto.
- May 26, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay ...
Jubbaland “DFS Ma Ogolo in si Siman loo Qaybsado Khaydraadka Dalka”.
- May 26, 2017
Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya aysandiyaar u ahayn in la ...
Faahfaahin: Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu Muqdisho.
- May 26, 2017
Haweeney la sheegay iney ganacsato aheyd ayaa Habeenkii Xalay lagu dilay xaafadda Sey-biyaano oo ...