Xog Cusub: Maxay Al-Shabaab udilaan Odayaasha kasoo jeed Galmudug ee ka Qayb qaatay Dhisidda Dowladda Somalia?.

Kooxda AlShabaab ayaa dilal joogta ah ku haysa odayaasha iyo waxgaradka kale ee ka qeyb qaatay dhisitaanka dowladda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho lagu dilayay odayaal dhaqameedyo kaalin weyn ku lahaa dhisitaanka dowladda, waxaana ilaa haatan la dilay odayaal ka badna 30 oo kamid ahaa ergadii wax kasoo dhistay dowladda.

Shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee la dilay ayaa lasoo sheegayaa iney kasoo jeedaan deegaanada Galmudug, ayna kamid ahaayeen kuwii barlamaanka kusoo xulay magaaladda Cadaado.

Ku dhawaad 22 kamid ah erdagadii soo xushay xildhibaanadii Barlamaanka ee Cadaado ayaa lagu dilay magaaladda Muqdisho halka kuwa kalana ay nafsadooda la baxsadeen.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa Muqdisho lagu dilay labadii odayaal dhaqameed ee ugu dambeysay, waxaana dilkooda sheegtay kooxda AlShabaab.

Magacyadda Odayaashii ugu dambeeyay ee la dilay

1)  Sayid Cali Xuseen Abtidoon oo ahaa nin nabadoon kana tirsanaa Ergadii soo xulay Xildibaanada Galmudug ayaa 11 Bishaan lagu toogtay Xaafada Al-Baraka ee Degmada Hodan, wuxuuna kasoo jeeday Beesha Cayr.

2) Ugaas Cabdi Dhoore oo isna kamid ahaa odayaasha Galmudug wax kasoo xulay ayaa isna lagu dilay shalay Galab Xaafadda Laba Dhagax ee Degmada Warta Nabadda, wuxuuna kasoo jeeday Beesha Saleebaan.

Dad badan ayaa isweyiinaya sababta keentay in kooxda AlShabaab ay si gaar ah bartilmaameed uga dhigato odayaasha beelaha kasoo jeeda Galmudug State.

1- Guutada Al-Shabaab u qaabilsan dilalka laga fuliyo Muqdisho oo intooda badan kasoo jeedo Beesha Hawiye, gaar ahaan Habargidir, waxayna aqoon u leeyihiin dadkooda, midaasna waxay Al-Shabaab u fudeysay, maadaama ay heleyaan xog ku saabsan shaqsiyaadka xildhibaanada soo xiray, sidoo kalana waxaa aad u badan tirada ciidamada ay habargidir ku leedahay Al-Shabaab.

2- Ergadii soo xulay XIldhibaanada Galmudug oo intooda badan markii hore ka tagay Muqdisho oo ay deegaan ahaan u dagan yihiin, midaasna waxay Al-Shabaab u sahashay inay xog fiican ka helaan isla markaasna waxayna intooda badan dagan yihiin xaafadaha ay si weyn Al-Shabaab falalka uga sameeyaan, waxaana xusid mudan in ergooyinka soo xulay xildhibaanada Maamul Goboleedyada kale ay into badan yihiin kuwa ku nool meelaha Xildhibaanada laga soo doortay ee Caasimadaha maamul Goboleedyada.

3- Ugaarsi gaar ah oo ay Al-Shabaab ku hayaan Hawiye, gaar ahaan Habargidir.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaanan umuuqan mid si weyn uga taxadareysa odayaashii ka dambeeyay in isbadal uu ka dhaco dalka, dilalkan ayaana aheyn kuwa kaliya Muqdisho ka dhaca ee waxaa ay horey uga dhacayeen dhamaan deegaanada Koofurta Soomaaliya.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Dhagayso: Jubbaland oo Kordhnaysa Howlgalada Mudda lagu Jira Bisha Ramadaan + Digniin loo Jeediyay Makhaayadaha.
- May 26, 2017
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay ...
Dhagayso: Taliska Ciidanka XDS oo DFS ka Dalbaday in lasoo saaro Sharci Ogolaanaya in Meel Waliba lagu Toogto Burcadda.
- May 26, 2017
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ...
Dhagayso: Eng.Yariisow “Markii ay Arkeen in DFS ay ka Go’an tahay Ciribtirkooda ayay Bilaabeen Weeraro Naf la Caaranimo ah”.
- May 26, 2017
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah ...
Daawo Sawiro laga Soo Qaaday Markii Xabsiga laga sii Daayay Wariye Cabdimaalik Coldoon.
- May 26, 2017
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland ayaa cafis Madaxweyne u fidiyya Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhoor ...
Dhagayso: Dowladda Mareekanka oo Malaayiin Dollar ku Bixinaysa Taakulaynta Abaaraha ee Afar Wadan oo ay Somalia ku jirto.
- May 26, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay ...
Jubbaland “DFS Ma Ogolo in si Siman loo Qaybsado Khaydraadka Dalka”.
- May 26, 2017
Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya aysandiyaar u ahayn in la ...
Faahfaahin: Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu Muqdisho.
- May 26, 2017
Haweeney la sheegay iney ganacsato aheyd ayaa Habeenkii Xalay lagu dilay xaafadda Sey-biyaano oo ...