Somaliland oo Masaafurisay Basaasiin u Adeegayay Sirdoonka Ethoepia.

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay oo ay Heshay Shabakadda Caalamiga ah ee Alljubbaland.com ayaa sheegaya in Somaliland ay ceyrisay rag soomali ah oo ka tirsanaa saraakiisha sirdoonka Ethiopia.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in raggani la musaafuriyay ay sir u gudbin jireen Dalka Ethiopia oo ay jaasuus u ahaayeen.

Somaliland ayaanan ka hadlin ragga ay masaafurisay hayeeshee ragga la musaafiriyay ayaa loo badinayaa in ay kasoo jeedaan deegaanada Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Kilinka Shanaad.

Mawaadiniin kasoo jeeda dalka Ethiopia oo ay u badan yihiin Oromada ayaa si joogta ah ugu soo qul qula deegaanada uu ka arimiyo Maamulka somaliland kuwaas oo mararka qaar ka shaqeysta deegaanadaasi halka kuwa qaarna ay usii gudbaan gobolada bari si ay ugu tahriibaan wadamadfa carabta sida Yemen Iyo Sacuudi Carabiya.

Lama oga sawabta ka danbeysa in Ethiopia ay sirdoonkeeda usoo dirto Somaliland hayeeshee warkan soo ifbaxay ayaa guux badan ka dhex abuuray shacabka Somaliland iyadoona laga cabsi qabo in ay jiri kiaraan rag kale oo sirdoon u ah Ethiopia oo ku sugan Deegaanada Somaliland.

Lama hubo sida lagu ogaaday raggani la musaafuriyay hayeeshee ilaha Danan ay heleyso ayaa sheegaya in raggani hadda loo musaafuriyay Dalka Ethiopia oo si wayn marwalba faraha kula jira guud ahaan arimaha Soomalia.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Dhagayso: Jubbaland oo Kordhnaysa Howlgalada Mudda lagu Jira Bisha Ramadaan + Digniin loo Jeediyay Makhaayadaha.
- May 26, 2017
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah Maamulada dalka ka jir ayaa waxa uu sheegay ...
Dhagayso: Taliska Ciidanka XDS oo DFS ka Dalbaday in lasoo saaro Sharci Ogolaanaya in Meel Waliba lagu Toogto Burcadda.
- May 26, 2017
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka ...
Dhagayso: Eng.Yariisow “Markii ay Arkeen in DFS ay ka Go’an tahay Ciribtirkooda ayay Bilaabeen Weeraro Naf la Caaranimo ah”.
- May 26, 2017
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay weerarka ka dhanka ah ...
Daawo Sawiro laga Soo Qaaday Markii Xabsiga laga sii Daayay Wariye Cabdimaalik Coldoon.
- May 26, 2017
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland ayaa cafis Madaxweyne u fidiyya Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhoor ...
Dhagayso: Dowladda Mareekanka oo Malaayiin Dollar ku Bixinaysa Taakulaynta Abaaraha ee Afar Wadan oo ay Somalia ku jirto.
- May 26, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay ...
Jubbaland “DFS Ma Ogolo in si Siman loo Qaybsado Khaydraadka Dalka”.
- May 26, 2017
Golaha Xukuumadda Jubbaland ayaa sheegay in dawlada Federaalka Soomaaliya aysandiyaar u ahayn in la ...
Faahfaahin: Haweeney Ganacsato ah oo Xalay lagu Muqdisho.
- May 26, 2017
Haweeney la sheegay iney ganacsato aheyd ayaa Habeenkii Xalay lagu dilay xaafadda Sey-biyaano oo ...