Maxkamadaynta Dilaagii Somalida ku Nool Dalka Mareekanka oo si toos ah uga socota Minisota.

Anthony Sawina nin cadaan Mareykan ah oo loo haysto in uu sanasanadkii tagay dad Somali mareekan ah ku toogtay gobolka Minisota ee dalka mareykanka xilli ay usocdeen ka qayb galka salaadda taraawiixda ee bisha barakaysan ee ramadaan ayaa waxa ay dacwadiisa ka furmatay maxkamadda Gobolkaasi sida uu baahiyay Minesota Public Radio.

Maxkammad Gobolka Minisoota ayaa Jimcihii markii labaad dhageysatay dacwada lagu soo Oogay Anthony Sawina oo la sheegay in uu ku dhaqaaqay falal la xiriira Islaam nacayb iyo Cunsuriyad.

Toogashada ayaa ka dhacday bishii june ee sanadkii hore agagaarka Dinkytown oo wax yar u jirta jaamacadda minesota xilli habeen ah waxaana ku dhaawacmay 2 qof halka qof kale lasheegay in uu ku geeriyooday markii xabado ku furay anthony oo sheegay in uu ka shakiyay dadkaasi.

Qareenka u doodaya Anthony sawina ayaa sheegay in wax walba ay ku dhaceen kama isguna uusan eeda lahayn sida ay qortay Al-jazeera news qeeybteeda ingiriiska.

Sawina Oo maxkamadda kasoo muuqday Jimcihii ayaa iska fogeeyay dacwadda loo haysto inkastoo maxkamadda loosoo gudbiyay Documiintayada cadeenaya dacwadda Anthony..

Sawina iyo saaxiibadiisa oo taagnaa parkinka dinkytown ayaa xabado ku furay Dad Soomaali ah oo gaari ka soo dagayay xilligaas kadib markii ay uga shakiyeen tuuganimo iyo weerar ka dhan ah.

Dhanka kale Toogashada ayaa lasheegay in ay noqon karto mid kutala gal ah dadka latoogtayna ay macquul tahay in ay ku shaaxayeen meel udhow gaarigooda sida uu baahiyay Minisota public radio oo soo xiganaysa Kaamirooyinka qarsoon.

Toogashadani ayaa sidoo kale lasheegay in ay la xiriirto beegsi ka dhan ah dadka muslimiinta sida uu ku cadeeyay qareenka u doodayay dadka soomaalida oo maxkammda kaneenay qof goobta ka dhawaa marka ay toogashadu dhacaysay oo sheegay in uu dhagihiisa ku maqlay ereyga “Fight The Muslims” Oo la macna ah (toogo ama la dagaal muslimiinta).

Sidoo kale ururka udoda xaquuqda muslimiinta dalkaasi Mareykanka oo magacooda loo soo gaabiyo CAIR ayaa codsaday in Anthony loo taxaabo xabsi joogta ah maadaama ay kusoo eedeeyeen Islaam Nacayb.

Qareeka difaacayay Anthony Sawina ayaa maxkamadda u sheegay in falka uu ku kacay Sawina ay ka dhignayd is difaacid ka dhan ah weerar lagu soo qaadi rabay oo uu ka shakiyay.

Xaakimka maxkamadda ayaan wax go’aan ah ka qaadan Dacwadda anthony inkastoo Maxkamadda ay sheegtay in 27 ka bisha laysku soo noqon doono ayaa hadana waxa sawina loo ogolaaday in uu layimaado cadeymo uu isku difaaci karo.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...