Boka Haram oo Weerar Abaabulan ku Qaaday Jaamacad ku Taal Waqooyiga Nigeria.

Ciidmada ilaalada Jaamacadda Maidguri ee Gobolka Maidguri ee waqooyiga dalkaasi Nigeria ayaa iska caabiyay weerar ay kooxda Boko Haraam ay kusoo qaaday jaamacadda halkaas oo ay dooneysay in ay kala baxaan dumar badan.

Ciidanka dowladda Nigeria ayaa xaqiijiyay in ay dileen 3 qof oo katirsanaa Kooxda Boko Haraam kadib dagaal toos ah oo labada dhinaca ku dhexmaray banaanka jaamacadda Maidguri ee waqooyiga dalkaasi.

Gudoomiyaha Jaamcadda Maidguri ayaa sheegay in ay ka baaraan dageen weerar ay Boko Haraam kusoo qaadaan jamacadooda oo ay horaan dhowr mar usoo weerareen.

Boko haraam ayaa maalmo kahor sii daysay inkabadan 100 gabdho oo ay sheegeen in ay ku doorsadeen 5 mas’uul oo dhankooda ay ka heysatay xukuumadda Abuuja.

Boko haraam oo ah koox ka dagaalanta Magaalada Abuuja iyo guud ahaan dalkaasi Nigeria ayaa waxa ay inta badan waxa ay weeraraan goobaha waxbarashada Dalkaasi.

Weerarka fashilmay ee ay Boko haraam kusoo qaaday Jaamacadda Maidguri ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Mamadu Buhaari uu sheegay in ay ka feejegnaan doonaan Weeraro ka dhan ah Boko Haraam.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...