Xog: Maxaa Kala Socotaa Dowrka UK ay ku leedahay Dhibaatada ka Jirta Somalia? “Aqriso Macluumaad Xaqiiq Ah”

Sannadkii 2013-kii ayey aheyd markii dawladda Ingiriisku Afartan iyo afar kun ( 44,000) oo Qori ay u Daabushay ama gaysay Soomaaliya, sida ku cad Qoraaladda Dawladda wadankaas. Hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa Sodon Kun 30,000,oo Qoryaha Daran Dooriga u dhaca ah, 2,536 Bistooladood, kuwaas oo loo dhoofiyay Soomaaliya waxaana la tuhun san yahay in loo gacan galiyay kooxo Burcad ah ama diidan Xasiloonida Soomaaliya sida ay qabaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska oo Amuurtan Dood kulul ka dhaliyay.

Agaasimaha waaxda dhoofinta hubka Edward Bell ayaa yiri mar ay Gudi ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Su’aalo waydiinayeen ‘’ Waan Dareemayaa Wer warka aad ka qabtaan hubka tiradaas leh ee loo dhoofiyay Soomaaliya , laakiin waxaan idiin hubaa inuu hubkaas uu ku jiro Gacan la hubo in ay Danaha Boqortooyada Ingiriiska Dhawrayaan ama ka shaqeynayaan’’.

Qoraaga Magaciisu yahay Patrick Henningsen ayaa wuxuu qabaa in xiriir cad uu ka dhexeeya Ganacsiyada dhex mara Dawladda Ingiriiska iyo Bangiga Adduunka kuwaasoo qorshahoodu uu yahay in ay sii quusiyaan Soomaaliya oo daymaha lagu leeyahay dalkaas mar walba ay noqdaan kuwo Wadanka Soomaaliya uu ku tiirsanaado dhinaca ‘’Gargaarka’’, Sanduuqa Lacagta Adduunka ( IMF) iyo Bankiga Adduunka ( World Bank) waxay mar walba shidaal ku sii shubaan nabad gelya xumada, Saboolnimada iyo Gaajada ka jirta Soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka ah iyaga oo doonaya Reer Galbeedku inaysan ka hoos bixin wadamadaas gacantooda.

Ingiriiska iyo dalalka kale ee reer galbeedka waxa ay mar kasta ka fakarayaan ilaalinta Danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya cid u ilaalisa oo daacad u ahaata ayeyna taageeraan haddiise ay yimaadaan Hogaamiyeyaal shacabka matala ee aan Jeebka ugu jirin Danaha Shisheeyaha ma ogolaanayaan waana kasoo horjeesanayaan si ay danahooda gaarka ah u ilaashadaan.

Bilowga Sannadkii 2013-kii ayey aheyd markii la sameeyay Ciidanka Badda ee Ingiriiska oo si gaar ah loo leeyahay mudo 200, oo Sano kadib markii koowaad waxaana Unkay ama sameeyey koox Ganacsato ah si ay uga hawl galaan biyaha Soomaaliya waxaana lagu sheegay ciidankaas in ay la Dagaalamayaan Burcad Badeedda Soomaalida hasa ahaatee taasi waa been cad oo waxba kama jiraan.

Dulaaliinta shirkadaha caymisyada labaad ee dunida ugu ballaaran ee la yiraahdo Willis Group Holdings plc ayaa waxay sheegeen sida ku cad warbixin ay daabacdey Majalada Forbes Sannadkii 2010-kii ‘’ Haddii aad naga Iibsato Caymis Buuxa waxaad ka Bad Baadaysaa in ay ku Bar Tilmaameedsadaan Burcad Badeedda Soomaalida ‘’ Hadalkaan iyo xiriirka ka dhexeeya ciidanka badda Ingiriiska ee gaarka loo leeyahay ayaa shaki wayn dhaliyay inuu jiro xariir ka dhexeeya Weerarada Burcadda iyo Shirkadaha Caymiska.

Ma ahan Sir Qarsoon in Dawladda Ingriisku aad u daneyneyso waliba si xoog ah “Dahabka Madaw” ee ku Moosan ama ku Aasan dhulka Soomaalida gaar ahaan dhulka ay xooga ku haysato Itoobiya ( Soomaali Galbeed) iyo weliba dhinaca Koonfurta Soomaaliya waxaana si gaar ah ugu Loolamaya Boqortooyada Ingriiska iyo dalka Talyaaniga oo haatan u muuqda in looga Taag Roonaaday ama looga awood batey Baratanka Dhaqaalaha hasa ahaatee waxay mar walba iyaguna Maleegayaan qorshe kasta oo ay ku xagal daacin karaan ama ay Qas ugu abuuri karaan wixii ay is leeyihiin Ingiriiska ayay uga qabsoomi karaan dhulka Soomaaliyeed ee Hodanka ah ee ay dadkiisu Gaajada iyo Harraadka ama oonka ay u dhimanayaan xiliga Abaarta markuu Roob yimaadana wixii ka haray Daadka uu Cagta mariyo.

Wargayska Financial times ee London kasoo baxa ayaa Qoraal dheer ka qoray Muranka ay soo kordhiyeen shirkadaha Shidaalka reer galbeedka ee doonaya in ay boobaan khayraadka soomaaliya, Kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay wargayska Financial times ee London kasoo baxa Wasiirkii Tamarta ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa yiri ‘’ Aniga iyo Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamud Maalin walba waan kullanaa waxaana ka wada hadalnaa shidaalka iyo shirkadaha danaynaya’’ Baratankaan Saliida ayaa ku kordhiyay Muranka iyo kala Fogaan shaha Dalka u kala qaybsan kooxaha dantooda meeqaamka sare dhigay ee iska Indha tira mar walba Shacabka ay Sheegtaan in ay Matalaan.

Haweeney la yiraahdo Katrina Manson ayaa waxay Qoraal ay Barta la yiraahdo FT.com ku daabacday ku sheegtay sidan ‘’ Madaxda Soomaalida waxay door bidaan dantooda qaaska ah ayagoo Murankooda uga Faa’iideeya shirkadaha shisheeye ee kala ceynka ah, waxay Maalin Walba si sahal ah u lumiyaan Hantida Qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay iyagoo eeganaya Dan Gaar ah iyo hadal afka baarkiisa ah oo Ajnabigu uu dhagta ugu sheegay oo ay Run moodeen markaas ayaa laga dhamaystaa wixii laga doonayay.

Dhinaca kale Muranka ay Kenya galisay Badda Soomaalida ayaa wuxuu soo kordhiyey Eray Dublamaasiyadeed Cusub kaasoo ah ( Saddex Xagalka Wareerka ) waxay Kenya daabushay ciidankeeda waxayna shab siisay Soomaaliya iyadoon markii hore ka mid ahayn AMISOM hasa ahaatee gadaalkii ayay ku guulaysatay in ay ka mid noqoto waxayna taabteen Dekadda Kismaayo iyagoo dabada ka riixaya Hogaamiye Dagaal oo ay dan gaar ah ka leeyihiin.

Ujeedka Kenya ma ahan marna inay Soomaaliya ka dhisanto dawlad shaqeysa oo maamusha guud ahaan dalka ee waxay doonayaan in ay muddo dheer ku hayaan sida ay haatan tahay ilaa laga gaaro heer ay ku murmi ama ku doodi karaan Magaalada Kismaayo in ay iyagu leeyihiin ama gadaalkana ay dhulkaas Bar Qaadan karaan si ay u hubiyaan Ceelasha Shidaalka ee dhulkaas in ay ka mid noqdaan dhulka Kenya.

Ugu dambeyn dawladaha Ingriiska, Mareykanka iyo guud ahaan wadamada Reer Galbeedku waxay sugayaan xiliga ugu habboon ee ay si toos ah u soo guran karaan khayraadka Soomaaliya inta ka horaysana waxaa jira dhabooyin ama Wadooyin kale oo badan oo ay Lacag ku samayn karaan.

Qalinkii: Aadam Zaki.

 

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...