Lixda ilmo xoogsade waa dhibanayaal ismana oga ﴾Qeybtii 4‐aad﴿

Farqiga madaxda sare ee ILMO XOOGSADE IYO ILMO XUKUN KU NOOL iyo taageerayaashooda.

Madaxweyne­yaashii soo maray Somalia laga soo billaabo 1960ki ayaa ILMO XOOGSADE ka ahaayeen saddex meelood laba meel (2/3), ayagoo dhammaantood xilka ku wareejiyay si nabad ah oo uusan dhiig ku daadan, halka ILMO XUKUN KU NOOL ahaayeen (1/3), saddex meelood meel madaxweyne­yaashii dalka soo maray.

In ka badan 99%, madaxweyne yaasha ILMO XOOGSADE ayaa loo yeelay cillado iyo magac dil kala duwan, amaba ahaayeen waxa lagu xanto haba u badnaadeen urur diimeedyo, halka ILMO XUKUN KU NOOL madaxweyne yaashooda lagu sheego in ay yihiin wadaniyiin geesiyaal ah.

ILMO XOOGSADE madaxdooda oo inta badan lagu tilmaamo in aysan isku kalsooneen ayaa ka carara kuwa wax tarka leh ee ILMO XOOGSADE taasoo ka dhigta dool, laguna fashiliyo shirarka guud kadibna sabab u noqota in ILMO XOOGSADE naceyb u qaadaan madaxdooda kadibna ka shaqeeya sidii ay u ridi lahaayeen maadaama aysan ka dhaxeyn dan guud iyo wax wanaag ah. ILMO XOOGSADE ma aha kuwo ku mideysan dantooda guud iyo tan qaran toona.

ILMO XUKUN KU NOOL iyo taageerayaashooda waxaa ka dhexeeya dan guud oo ay ku mideysan yihiin ayagoo isqadariya aadna isu dhageysta marka laga reebo shaqsiyaas kooban oo khilaaf ka dhexeeya.

ILMO XUKUN KU NOOL ayaa leh ururro ka shaqeeya dantooda guud ayna aqoonsan yihiin beesha caalamka iyo mas’uukiyiintooda sare oo qaarkood xubno ka yihiin. Ururadaasi ayaa waxtar kooda ka muuqdaa dibadda iyo gudaha dalka gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo horumarinta degaanno badan.

ILMO XOOGSADE oo aan lahayn ururro ay aqoonsan yihiin madaxdooda ayaa loo arkaa in ay khatar (threat) ku yihiin dad kale haddii ay sameystaan urur ka shaqeynaayo danta guud ee ILMO XOOGSADE iyo tan QARANKA taasoo abuurta in aqoon yahaniinta iyo siyaasiyiinta ILMO XOOGSADE ka fogaadaan ama ka baqaan in ay ka qeyb qaataan ururkaas xitaa hadduu ka shaqeynaayo danta guud ee qaranka.

Wanaag kasta uu lee yahay urur ay sameeyaan ILMO XOOGSADE waxaa loogu yeeraa XOOGSADE ACTION GROUP si dadka loo tuso in uu ururkaas yahay urur dagaal.

Madaxda ILMO XOOGSADE ayaa ceeb u arka in ay la kulmaan ama ka mid noqdaan urur ay sameeyeen ILMO XOOGSADE in kastoo ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb galaan shirarka famil hoosaadkooda ayadoo loo tusay in magaca guud ee ILMO XOOGSADE yahay dambiile yaal laga cararo, halka madaxda ILMO XUKUN KU NOOL ay sharaf u

arkaan tala siinta ama tala ka qaadashada ururada ay sameeyaan ILMO XUKUN KU NOOL.

Abdirahman Moalin (FAAX)

F.G: QORAALKAN MA AHA MID CAADIFAD QABIIL EE WAA XAALADDA JIRA

La soco qeybta dambe…

Qore: Abdirahman Moalim (FAAX)

moalim25@hotmail.com

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...