Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab aysan hor istaagi Karin Barnaamijka Gurmadka Abaaraha

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay Shabaab ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas. Qaraxa miinada ay argagaxisadu doonayeen inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaa waxaa nasiib wanaag ah in uu EEBBE ka bad-baadiyey oo aysan jirin wax khasaare ah ama dhaawac ah. Gaarigii ayaa halkaas ku gubtay, dadkii saarnaana waa ay bad-baadeen dhammaantood.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.”

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...