TOP NEWS:- Dowladda Ingiriiska oo soo saartay Go’aan Naxdin galinaya Somaliland

Dowladda Ingiriiska ayaa si adaga hadashay in qorshaheeda uu ku jiro in Somaliland ay ula macaamisho sida dal a madax banaan Soomaaliya.
War kooban oo ay soo saartay dowladda UK ayna kaga hadashay xaaladda Dalka Soomaaliya ayey ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan gooni isu taaga Somaliland oo sharci ahaan kamid ah Soomaaliya.

Dowladda UK oo ka hadleysay qaabka ay u caawiso Somaaliya, ayaa qorshaheeda ku dhex shaacisay inay Somaliland tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaasna ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale.

UK ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Somaliland ula macaamilaan sida wadan kaligiis meel taagan, maadaama ay arrintaas ay hor imaaneyso shrucuuda Caalamiga ah oo ay dowladda Ingiriiska saxiixday sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay inay qarash badan ku badan ku bixisay mashaariic ay siisay Maamulka Somaliland, balse aysan midaas ka dhigneyn inay Soomaaliya ka go’day, waxayna sheegtay inay qeyb ka heleyso qarashaadka ay ugu talagashay Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shuruud adag ku xirtay inay Somaliland u aqoonsato wadan ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna ku xirtay inay dhammaan soo buuxiso shuruucda looga baahan yahay wadamada kala go’ayo.

Shuruuda ugu weyn oo ay ku xirtay ayaa ah inay marka hore Somailand kasoo dhaadhacsiiso Midowga Africa in loo aqoonsado wadan, markas ay taas ku guuleysato oo uu Midowga Africa u aqoonsado Somailand inay tahay wadan ka madax banaan Soomaaliya qeybna ka ah Midowga Africa ayey dowladda Ingiriiska sheegtay inay iyadana aqoonsan doonto.

Xujadaas ayaana u muuqato mid aysan Somaliland ku guuleysan karin, maadaama ay arrintaas ku fashilmatay dhawr hore oo ay codsiyo u dirtay Midowga Africa, waxaana si cad looga sheegay inaysan macquul aheyn go’itaanka ay sheeganeyso.

Dowladda Ingiriiska ayaa  soo bandhigtay Lacago Malaayiin ah oo ay ugu deeqaday Maamulka Somailand, waxayna ka codsatay inay Somailand ku qanacsanaato inay kamid tahay Dowladda Soomaaliya.

Somaliland ayaa muddo badan adduunyada ka raadineyso aqoon caalami ah, maadaama ay ka dhawaajisay inay ka go’aday Soomaliya inteeda badan, ilaa haddana ma jirto hal wadan oo Somailand u aqoonsaday wadan kaligiis taagan.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...