Soomaalida iyo Oromada Itoobiya oo heshiis kala saxiiday iyo Arrimo Xasaasi ah o ay ku wada heshiiyeen

Maamullada dowlad Goboleedyada Itoobiya ee Dhulka Somalida ay Itoobiya heysato iyo Oromada ayaa gaaray heshiis nabadeed kaddib dagaallo labbada maamul dhexmarayay sanadihii la soo dhaafay.

Inta badan waxaa ay ku muransanaayeen sohdinta dhulka ah iyaga oo dad ka badan 400 Qof iska dilay intii ay socdeen dagaallada u dhaxeeyay labada dhinac.

Muranka u dhaxeeya labada dhinac ayaa waxaa uu ka dambeeyay kaddib markii ay isku qabsadeen dhul bedkiisu gaarayo 147 KM oo xadka labada dhinac ah islamarkaana qolo kasta ay u magacaawday maamul iyada taabacsan oo halkaas ka jira.

Hoggaamiyaha dowlad degaanka Oromada Waddanka Itoobiya  Lemma Megersa,ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen qowmiyadaha walaalaha ah uu yahay guul u soo hoyatay shacabka labada dhinac oo ah dad wax badan wadaaga.

Waxaa uu ku baaqay in la joogteeyo heshiiskan waxaana uu dhankiisa ballan qaaday in aysan dhankooda colaad dambe kaga iman doonin Soomaalida.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Dowlad degaanka Somaliya Itoobiya CAbdi Maxamuud Cumar oo dhankiisa heshiiska saxiixay ayaa sheegay in sidoo kale iyagana ay ballan qaadayaan nabad gelyada degaanka labada Qowmiyadood.

Wasiirka Reer Miyiga  iyo arrimaha Federaalka Itoobiya Kassa Teklebirhan,ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay tan 2013kii ka shaqeyneysay sidii loo gaari lahaa heshiiskan oo kalena,maantana ay ku faraxsanyihiin in labada Maamul ay heshiis rasmi ah.

 

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...