Qaadkii ka soo degi jiray Muqdisho oo maanta ka soo degaya Magaalada Jowhar

Ganacsatada Qaadka ka soo dejin jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta aysan Qaad ka soo dejin doonin Magaalada Muqdisho ilamarkaana ay u wareejiyeen Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka ayaa u sheegay idaacadda Mustaqbal in khilaaf soo kala dhex galay Guddiga Ganacsatada Qaadka iyo Dowladda Federaalka ah uu salka ku hayo gadoodka ay ka sameeyeen garoonka Aadan Cadde.

Waxaa uu sheegay in 7;Diyaaradood ay maanta ka dagi doonaan Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle islamarkaana ay Muqdisho ka joojiyeen ilaa ay dowladda wax ka beddeleyso Canshuur kordhinta ay sameysya oo ay isku fahmi waayeen Ganacsatada.

Kiilada Qaadka ah ayaa horay looga qaadi jiray Garoonka Aadan Cadde 43,000  Sh.Somali ah halka hadda laga dhigay 53,000 kun oo Shilin Soomaali ah

 

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...