DHAGEYSO:- Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Magalada Buula Barde

Warara saaka naga soo gaaraya magaaladda Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto xiisad colaadeed.

Xiisadan ayaa u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Hiil-Walaal ee Jabuuti kasoo jeeda.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu askari katirsan ciidamada DFS uu meel fagaaro ah ku toogtay askari kale oo katirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaaladda Buulo-burde.

Ciidamada Amisom ayaa dalbaday in si deg deg ah loo soo gacan geliyo askarigii dilkaas ka dambeeyay hase ahaatee askariga ayaa baxsaday.

Waxii markaas ka dambeeyay waxaa magaaladda laga dareemayay dhaq dhaqaaq ciidan, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen iney ka cabsanayaan in magaaladda lagu dagaalamo.

Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Hiirsbabeelle ayaa la filayaa iney gaaraan magaaladda si xaalada loo dajiyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu socdo baaritaan lagu baadi goobayo askarigii dilka geystay ee baxsaday.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...