TOP DHAGEYSO:- Galmudug oo Digniin culus soo saartay iyo Doorashada Madaxweynaha oo la isku heysto

Xildhibaan C/qaadir Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu baahan yahay in ay ka taxadarto in doorashada aysan dib ugu dhicin waqtigii lagu balamay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in shacaka degaanada Galmudug ay u baahan yihiin Dowlad, ayna muhiim tahay in doorashada waqtigii loogu tala galay la qabto.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda dhexe loogu baahan yahay in ay ka shaqeyso hormarinta shacabka degaanada Galmudug, waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada Galmudug ay diyaar u yihiin sidii ay Dowladda ugu taageeri lahayeen qabsoomida doorashada.

Waxa uu xusay in abaar daran ay ka jirto degaanada Galmudug shacabkana ay u baahan yihiin in ay helaan gargaar iyo hogaan cusub oo ay ku wada qanacsan yihiin shacabka iyo Siyaasiyiinta Galmudug.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu heshiiyay in 30 bishaan April Magaalada Cadaado lagu qabto Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, waxaana hada Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo ay dowladda garwadeen ka tahay oo ay ku wada hadlayaan Ahlu Sunna iyo Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...