XOG WARAN:- Madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele oo Hadalo Kaftan ah la wadaagay Madaxweynaha Ahlu sunna

Hogaamiyaha maamulka gobolada Dhexe ee Ahlu sunna ayaa xalay la kulmay madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka dhex muuqda wasiirka koowaad ee xukuumada wasiiro kale oo uu kamid yahay wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara madaxda maamul goboleedyada dalka iyo madaxweynaha maamulka Ahlu sunna oo ah maamul mucaarad ku ahaa maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Jubbaland, HirShabeele, Puntland ayaa hadalo kaftan ah la wadaagay Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxayna ugu dambeyn kula taliyeen inuu ka shaqeeyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Waxyaabaha ay ka wada sinaayeen ee ay kula taliyeen Shaakir ayaa ahaa inuu ilaaliyo midnimada shacabka gobolada dhexe, ayna ka shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa maamul loo dhan yahay.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...