XOG XASAASI AH:- Madaxweyne Farmaajo oo Wada Qorshe uu kaga tagaayo Shariif Xasan, Gaas iyo Axmed Madoobe

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu diyaarinaayo xubno khaas ah oo Madaxweyne Farmaajo ku wehlin doona Safarka London.

Xubnaha la diyaarinaayo ayaa waxaa lagu soo xulayaa 4.5, waxa ayna ka madaxbanaan yihiin Wafdiga Hogaamiyayaasha Gobolada.

Xubnaha loo xulaayo ka qeybgalka shirka ayaa waxaa ku jiri doona Xubno ka madaxbanaan Golaha Wasiirada iyo labada Gole ee dalka, waxa ayna u badnaan doonaan la taliyayaal.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in Safarka ay ku wehlin doonaan ilaa 11 ruux oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo La taliyayaal khaas ah.

Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa iminka magaalada Muqdisho ka wada kulamo lagu ciribtiraayo shaki iyo isbarbar yaac ka dhex curta DFS iyo Maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha Gobolada ayaan loo ogolaan doonin in shirka ay ku wehliyaan Seddex Mas’uul ka badan.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...