XOG WARAN:- Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo isku soo sharaxay Xil aan laga fileyn

Waxaa waqti dheer ah lagu daray waqtiga si diiwangeelinta doorashada Madaxweynimo ee Galmudug, kadib markii ay dowladda iyo Maamul Galmudug Heshiis galeen.

Haddaba waxaa xilkaas si lama filaan ah isugu soo taagan mid kamid ah xirtii Xasan Shiikh weliba ahaa xubin weyn oo ka mid ah Damul Jadiid, kaasoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka Galmudug Qabto.

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ahaa wasiirkii Arrimaha Gudaha dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynimo ee Galmudug.

Odawaa oo wareysi siiyey mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey inuu xilkaas isku soo taagay kadib markii uu arkay inuu xilkaas munaasib u yahay, waxaana la filayaa inuu dhawaan buuxiyo foomka musharixiint Galmudug.

Odawaa ayaa ahaa shaqsigii ka dambeeyey inuu Galmudug Madaxweyne ka noqdo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna ka tirsanaa Ururka Damul Jadiid inkstoo markii dambe uu xilkaas iska casilay kadib markii uu culeys kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka sidoo kalana uu la kulmay xaalad caafimaad oo halis ah.

Haddii uu Odawaa noqdo Madaxweynaha Galmudug, waxay midaas ka dhignaan doontaa inay Damul Jadiid weli awood kusii lahaan doonaan Soomaliya, waxayna midaas ka saacidi kartaa inay doorashada dambe si awood leh isku soo sharaxaan.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...