XOG CUSUB:- Qorshaha 30‐ka sano ee socda Imaaraatka ka leeyahay Soomaaliya

Dadka Soomaaliyeed ayaa sanadkaan aad uga waca dheregsan kuna baraarugay qorshaha Imaaraatka carabta uu ka leeyahay dalka Soomaaliya gaar ahaan dekadaha ku yaala Soomaaliya.

Siyaasi Jaamac Xasan Khaliif oo si weyn uga faalooda arimaha Soomaaliya horeyna usoo noqday musharax madaxweyne ayaa ka hadlay qorshaha 30­ka sano ee soo socda Imaaraatka Carabta uu ka leeyahay dekadaha Soomaaliya.

Siyaasi Jaamac, wuxuu sheegay in Imaaraatka uu yahay Cadow Soomaaliyeed oo uusan fulineyn qorshaha iyo horumarinta dalka Soomaaliya, sida uu sheegayna uu doonayo inuu hor istaago horumar ay sameeyaan dekedaha Soomaaliya.

Wuxuu si cad u sheegay in imaaraatka uu damacsan yahay in soddonka sano ee soo socdo wax horumar ah ineysan sameyn dekedaha Soomaaliya, maadaama haddii ay horumaraan dekadaha Soomaaliya caalamka uu dhan uu kusoo xirmayo.

“Imaaraatka waa cadow Soomaaliyeed, fiiri wuxuu doonayaa in soddonka sano ee soo socdo aysan horumarin dekadaha Soomaaliya, oo wuxuu doonayaa in 30­kaa sano Soomaalida isaga kaliya gacmaha u taagtaan shilimaadka yar ee laga helayo”.

“Haddii horumar Soomaaliya ay sameyso waxaa xirmayo Suuqa Dubai sababtoo ah meesha aanu ku naal iyo sida aan caalamka sida tooska ah ula macaamiili karno, marka Imaaraatka ma doonayo in suuqaasi uu ka xermaa, sidaasi daraadeed waa in horumar aysan sameyn Soomaaliya si DUbai aysan u xirmin”ayuu hadalkiisa ku daray Jaamac.

Arintaan ayuu sheegay inay saameyn fog ku yeelan doonto Horumarka dekadaha Soomaaliya, maadaama Imaaraatka uu doonayo inuu cuuryaamiyo kana hortago dhaqdhaqaaq xor ah oo Soomaalida ay sameyso.

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...