DHAGEYSO WAREYSI:- Mooshin loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka iyo ku dhawaad 100 Xildhibaan oo Saxiixay

Waxaa Maanta gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyay Mooshin ay ku dalbanaya in lagu soo daro Baarlamaanka Cusub lagu soo daro beelaha aan Xubin Xildhibaanimo  ku lahayn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

ku dhawaad 100 Xildhibaan ayaa Saxiixay mooshinka, waxaana maanta loo gudbiyay Gudoonka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Wareysi siiyay mid ka mid ah Warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay ujeedka ay ka leeyihiin Mooshinkaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in dib loogu soo daro beelaha Soomaaliyeed ee aan hada Xubin ku lahayn Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay doonayaan in beelaha xuquuqdooda horay loogu tuntay in si sharci ah hada loogu soo celiyay, lana saxo wixii qalad ah ee horay u dhacay.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka:-

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...