Hogaan ma loo dhiiban karaa siyaasi ku sifoobay been iyo balan maran?

Waxaa waayadan ka soo baxay Dalkeenna Soomaaliya niman Soomaali ah oo sheegta siyaasiyiin balse aan siyaasiyiin ahayn, Kuwaasi oo ku sifoobay been iyo balan maran. Nimankani, ayaa ku dadaalayo sidii ay xilal uga qaban lahaayeen Dalka, iyaga oo u marayo bixinta laaluush, qabyaalad iyo waliba adeegsiga ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwo ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya. Hadaba, hogaan ma loo dhiiban karaa siyaasi ku sifoobay been iyo balan maran ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi, aan bal marka hore waxoogaa qeexo waxa uu siyaasi yahay. Siyaasi waa qof si xirfad leh ugu howlan siyaasadda iyo waxyaabaha la xariira dowladnimada. Waxa uuna qofku siyaasadda galaa marka uu arko khaladaad ka jira hanaanka loo maamulayo dalkiisa, Isagoona la yimaada aragti siyaasadeed oo ka duwan midda uu daanayo in uu saxo.

Marka aad u fiirsato siyaasiyiinta dalalka kale, Waxa aad arkaysaa in intooda badani ay saaxada siyaasadeed u soo galaan sidii ay u sixi lahaayeen khaladaad ka dhex jira bulshooda noocuu doonaaba ha nodee, Iyagoona u soo bandhiga bulshadooda qorshayaal siyaasadeed oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay tabanayaan, Haddii ay ahaan lahaayeen kuwa amni iyo haddii ay ahaan lahaayeen kuwa dhaqaaleba.

Haddii aan u soo laabto su’aasha qormaday oo ah: hogaan ma loo dhiiban karaa siyaasi ku sifoobay been iyo balan maran ? Jawaabtu waxa aan leennahay maya Anagoo sababay doonno. Sidaan soo sheegayba, Hogaan looma dhiiban karo qof ku sifoobay been iyo balan maran, Maxaa yeelay taasi waxa ay dhawacaysaa, bal ay halis ku tahay jiritaanka dalkaaga iyo dadkiisa. Sidee hogaan ugu dhiiban kartaa beenlow aan balan lahayn ?

Anigu ma qabo runtii, in hogaan loo dhiibto qof ku sifoobay labadii sifo ee aannu soo sheegay, Maxaa yeelay taasi waxaa diidayo caqliga saliimka ah. Labadan sifood, ayaa ah labo sifo oo ay ku caanbaxeen Siyaasiyiinta Soomaalida ah ee maanta horboodayo siyaasadda Dalkeenna haddii ay ahaan lahayd heer fedeeral iyo haddii ay ahaan lahayd heer maamul goboleedba. Bal aan faahfaahinno dooddeenna.

DHANKA BEENTA:

Tan iyo sanadkii 2000, Ayaa waxa aan si dhow ula socday hadalada ay jeediyaan Siyaasiyiinta Soomaalida ah, gaar ahaan marka ay u baratamayaan qabashada xil qaran. Siyaasiyiintani, ayaa waxa ay jeedinayaan hadallo qurux badan, iyo waliba balanqaadyo la xariira xaalka Dalka, sida in ay wax ka qaban doonaan xaaladaha amaaniga, dhaqaalaha, yagleelidda ciidan qaran iyo waliba dhismaha hay’ado dowladeed oo si fiican u shaqeeya.

Halka kuwa kalena ay jeediyaan hadallo liddi ku ah kuwa markaasi xilalka hayo, Iyagoona sheega in ay dhaami doonaan kuwaasi marka Iyaga la doorto, Islamarkaanna ay qaban doonaan waxyaabo badan oo ay ku farxaan dadka Soomaaliyeed, balse hadaladaasi ayaanan soo dhaafin halkii lagu yiri sida aadba arki doontaan.

Marka aan dabogal ku sameeyey hadaladii ay jeediyeen Siyaasiyiinta Soomaalida tan iyo sanadkii 2000, Waxaa runtii ii soo baxday inaan laga dhabaynin hadaladii loo jeediyey Shacabka Soomaaliyeed. Tusaale ahaan Dowladdii Carte oo kale, Waxa ay sheegtay in ay ka soo bixi doonto shaqooyinkii loo igmaday, Islamaraakaan ay wax ka qaban doonto xaalka Dalka, balse hadalkaasi ayaa noqday mid aan waxba ka rumoobin.

Waxaa sidaasi oo kale, Iyagana hadallo qurux badan jeediyey siyaasiyiin horboodaysay Dowladdii Cabdulaahi Yuusuf iyo waliba tii Shariif, Kuwaasi oo Umadda Soomaaliyeed u sheegay in Soomaaliya ay ka saari doonaan dhibaatadii ay ku jirtay, Iyagoona dhinaca kale balanqaaday, in ay dhisi doonaan ciidamo qaran oo la wareega amaanka Dalka, balse hadalkaasi ayaanan soo dhafin afka baarkiisa ?

Marka aan u nimaanno siyaasiyiinta maanta xilalka ka hayo Dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee Dalka ka jira, Waxa ay sidoo kale Iyagana jeediyaan hadallo faro badan oo lagu qurxiyey erayo macaan, Kuwaasi oo lagu sheegayo in laga soo bixi doonno wixii la isudiray. Tusaale ahaan, Kooxda maamusho Villa Soomaaliya oo kale, Waxa ay sheegtay in ay wax walba ku qaban doonto muddadii loogu talogalay, balse hadalkaasi ayaa noqday been, borabogaan iyo waliba olole doorasho.

Dhanka Maamul Goboleedyada, Iyaguna wax badan ma dhaaamaan kuwa maamula Villa Soomaaliya. Tusaale ahaan, Maamulka Hargaysa oo kale, Waxa uu sheegi jiray in uu doorashada ku qaban doonno waqtigeeda, balse taasi ayaanan dhicin sidii caadadaba u ahayd balan-laawayaashu. Ma garanaysaa inta hadal ee ka soo baxday Maamulka Buntland oo aan midna laga fulin ? Ma og tihiin in Kismaayo ay tahay halka ugu badani ay ka soo baxaaan hadalada lagu seexiyo masaakiinta aan waxba la socon ?

BALAN MARAN:

Haddaan u nimaanno dhanka balanta, Waxaad arkaysaa in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida inayanba ka soo bixin balamaha ay qaadaan, gaar ahaan marka ay u tartamayaan xil qaran. Waana sababtaasi sababta uu Dalkan uga bixi la’yahay godka uu ku jiro. Tusaale ahaan, Waxaad arkaysaa Iyagoo balanqaadayo in ay samayn doonaan waxaas iyo waxaas marka Iyaga la doorto, balse balanqaadkaasi ayaanan ficil isku badalin sabab kastaba ha keentee.

Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, Ayaa waxa aan aan goobjoog u ahayn iyadoo la dhaaranayo, waliba Kitaab gacanta la saarayo, islamarkaanna la samaynayo balanqaadyo culus oo ay adag tahay in la fuliyo. Mar waxa aan arkaynay Iyadoo la leeyahay, Waxa aan dhisi doonaa dowlad Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay. Mar kale, waxa aan arkaynay iyadoo la leeyahay haddii la I doorto, Waxa aan wax ka qaban doonaa arimaha amniga, dhaqaalaha iyo soo celinta sharafka Umadda.

Marka aad ka soo bilowdo sanadkii 2000 iyo maantadan la joogo, Wax badan iskama badalin xaalka Dalka, gaar ahaan dhinacyada dib-u-heshisiinta, amniga, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarsahada, midnimada iyo wadajirka Dalka, halka mudadaasina la samaynayey balanqaadyo badan oo la xariira in arimahaasi wax laga qaban doonno.

Tusaale ahaan, Siyaasiyiinta maamusha Villa Soomaaliya oo kale, Waxa ay dhowr sano ka hor balanqaadeen in Soomaaliya ay ka qaban doonaan doorasho qof iyo codkiisa ah marka la gaaro sanadka 2016 sidii awalba loogu heshiiyey. Waxa ay sidoo kale balanqaadeen in Soomaaliya laga ciribtiri doonno Xarakada Al-shabab marka la gaaro sanadka 2015, balse balanqaadyadaasi ayaanan midna ka fulin ujeeddo kastaaba ha laga lahaadee.

Waxaa sidaasi oo kale iyagana balanqaadyo badan sameeyey Siyaasiyiin horboodaysay maamulada ka jira magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Cadaado, Baydhabo iyo Kismaayo, Kuwaasi oo balanqaaday in ay wax badan ka qaban doonaan dhibaatooyinka ka jira deegaanadaasi. Ma garanaysaan inta jeer oo Kismaayo laga sheegay in laga adkaan doonno Xaradkada Al-shabab, Islamarkaana laga saari doono gobolada Jubooyinka ?

Ma garanaysaa wax ka fulay heshiiskii ay Dowladda Federaalka la gashay Maamulka Jubbaland iyo dadkii ka soo horjeeday ? Ma og tihiin hal qodob oo ka fulay heshiiskii Adis Ababa iyo wixii ku qornaa ? Ma garanaysaa wax ka fulay balanqaadyadii uu sameeyey Cabdiwali Gaasi xiligii uu u tarmayey hogaanka Buntland ee ay cadaaladarada dilootay ? Ma keeni kartaa hal qodob oo ka fulay balanqaad uu sameeyey siyaasi Soomaali ah ?

Halkii ay ahayd in laga dhabeeyo hadaladii loo sheegay Umadda, Islamarkaanna la fuliyo balanqaadkii loo sameeyey, ayaa waxaa hadda siyaasad laga dhigtay in dadkii la kala qeybiyo, ka dib la isku diro, Iyadoo loogu danaynayo cadowgi Umadda. Ma weynaan khiyaamo-qaran noqonaynin marka taladii Umadda loo gacangalinayo cadowgeedii (Itoobiya) soo jireenka ahaa, ka dibna sida uu doonno ka yeello.

Marka aad u fiirsato habdhaqanka siyaasiga Soomaaliga ah ee maanta nool, gaar ahaan midka horboodayo siyaasadda Dalka, Waxaa runtii kuu soo baxaysa inaanuba u dhalan Umadda oo uu yahay Amxaar la qariyey. Maxaa lagu tilmaami karaa qofka ay hortiisu ka dhacayaan dhibaatooyinka aad aragteen oo aan hadana isbadalaynin, Hadana maalin walba taagan Caasimaddii (Adis Ababa) laga burburiyey Dalkeenna. Dhaartii idin qabatay.
,
Wey nagu adag tahay runtii in shan iyo labaatan sano ka dib aan dabasoconno siyaasi ku sifoobay been iyo balan maran. islamarkaanna Umadda ka hortaagan in ay ka baxdo dhibaatada ay ku jirto. Maxaa laga faa’iidayaa marka la dabasoconayo qof noocaan oo kale ah ? Sow ma’ahan in la qaado waddo kale, si looga baxo dhibaatadan uu sababta u yahay siyaasigan Soomaaliga ah ee ay carada Alle ku dhacday.

Anigu, Waxa aan qabaa in la jooggo xilligii laga hari lahaa dabasocodka siyaasi beenaale ah, Islamarkaanna aan balan lahayn. Hadii kale, Waxaa dhacaysa in la taagnaado meesha hadda la taagan yahay boqolka sano ee soo socota. Maxaa ka soobaxayo marka la dabasoconayo qof faashil ah oo aan karti lahayn ? Sowse ma ogidiin in lix bilood gudahood lagu nabadeeyey Bartamaha iyo Koonfurta Dalka oo ay ku jirto Caasimadda, Iyada oo aan loo yeeran Beel Caalam iyo beel jinni.

Gaba gabadii iyo gunaanudkii, Haddaan mar kale iweydiinno hogaan ma loo dhiiban karaa siyaasi ku sifoobay been iyo balan maran ? Jawaabtu waxaan leaannahay maya, Maxaa yeelay, taasi waxa ay halis ku tahay mustaqbalkaaga. Waxa ay sidoo kale halis ku tahay mustaqbalka dalkaaga waa haddaad caqli leedahaye. Fadlan ka hara dabasocodka beenaalayaasha u adeegayo cadowgiinna inta ay goori goor tahay.

W/Q: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...