WARQAD FURAN: Cabdikariin Xuseen Guuleed Kaama Yeeleyno Inaad Gacana Nagu Salaanto, Gacana Aad Ku Saxiixdo Duulaanka Saaxo.

Haddaan aamusnay ama aynaan ka hadlin inta badan colaada iyo daandaasiga Saaxo iyo deegaanada kale ma,ahan macnaheedu inaynaan waxba ka fahansaneen hagardaamada iyo duulaanka uu abaabulayo Cabdikariin Xuseen Guuleed ee ku wajahan degmada SAAXO iyo deegaanada kale iyo ujeedka laga leeyahay ee ah DHUL BALAARSIGA.

Cabdikariin Xuseen Guuleedoow Waxaanu xeerinay Islaamnimada, Soomaalinimada, Derisnimada iyo Wada dhalashada dadka daga mudug iyo Galguduud, taas ayaana sabab u ahayd inaan ka aamusnaano colaada aad hurineyso si aynaan maalinka la xisaabtamayo dambiga mid aduun iyo mid aaqiraba aynaan kuula wadaagin, balse waxaagu hadda waa ay soo dhaafeen ALAMATARA, taas ayaana sabab u ah in godka aad ku jirto aan kuugu soo galo maanta si aad u ogaato bal waxaa anigoo shaqsi ah dareemayo inay dadkoo dhan dareemayaan.

Waxaan caqliga aadanaha amaba kan qofka damiirka leh galeyn Maamul baan wadaagnaa Galmudug la yiraahdo dadkaagaana sun iyo waabaanyo u qooshayaa amaba sidii looga barakicin lahaa deeganaadooda ayaan ka shaqeenayaa oo ababaulayaa haddana dhanka kale adigaan waji iyo gacan xabiib loo ekeesiyaan kugu ku tusayaa ama kugu salaamayaa.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waa uu ku fashilantay qorshahaagan guracan ee aad ku kala geynayso dadka reer Galmudug, anaguna si wanaagsan ayaan kuu naqaan kagana dharagsanahay  waxa aad tahay iyo qorshaha iyo abaabulka lagaaga soo dhiibay amaba laga soo maan guuriyay amaba laga soo abaabulay VIlla Somalia oo iminka u ah xarunta ay ka duulaan ururka mayalka adag ee DAMUJADIID ee aad ka tirsan tahay.

Waxaan si wanaagsan uga dharagsanahay xaqiiqano ah in Hubka, Gaadiidka, Rasaasta, Dhaqaalaha iyo Shidaalka lagu weerarayo SAAXO iyo deegaanada kale ay baxshaan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xisbigiisa shayaadiinta ah ee Damujadiid ee fariisinta ka dhigtay xaruntii qaranka Soomaaliyeed ee Villa Somalia.

Jaalle Cabdikariin Xuseen Kaama Yeelayno Inaad Gacana Nagu Salaanto, Gacana Aad Ku Saxiixdo Duulaanka Saaxo, waxaan kuugu baaqayaa colaada SAAXO iyo deegaanada kale ee aad hurinayso si deg deg ah u jooji, haddii aadan u joojina ogoow inaysan jiri doonin wax la yiraahdo GALMUDUG inta adiga iyo kuwa caqligoodu fooraro ee noocaas u fakaraya ay sheeganayaan inay hogaan u yihiin Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa kale oo aad ogaataa in Dadkayaga dhiigooda faraxal ahayn, kamana aanu aamusnaan doono waxii maanta ka dambeeya ee laba mid  midood dooro Nabad ama Colaad kii kuu roon si cad banaanka ulla soo istaag anagu waxba kama garanayno waxan aad mal malooqayso’e.

Gabagabadi iyo Gunaanadkii ninbaa waxaa laga sheegay Ilaahoow Dhagax Cirka Kasoo Daadi, Meesheey Ka Galaan ayaan ka Galayaa’e, Nabada iyo Wada Noolaanshaha Cabdikariin Xuseen Guuleed diidan yahay bal aanu aragno cideey caano uga daataan.

Shalaay waa ku imaan dhiigayaga qoomki shafecsadaa.
Ma shifeysan jirin godab ninkii naga shaqeestaaye.
Qabiilkii shar noo maamulaa guul mashiiqsado.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
RUN SHEEG WAA CEEB SHEEG

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...