MAQAAL: Cristiano Ronaldo Oo Durbaba Goostay Tikidhkii Uu Kaga Tagi Lahaa Madrid Ka Dib Hadalkiisii Shalayto.

Hadaladii uu sheegay Cristiano Ronaldo ka dib ciyaartii shalayto ee Madrid derby waxa ay ka soo saartay muuqaal cusub: Inuu kaliya daneeyo guushiisa shaqsiga ah. Dabcan waa quraafaad in sidaasi lagu tilmaamo laakiin hadaladii uu ka yiri asxaabtiisa kooxda ma ahan kuwa difaacaya shaqsiyadiisa.

“Haddii ciyaaryahan walba uu igu heer ahaan lahaa, waxaan ku jiri laheyn kaalinta koowaad ee La Liga. Sannad kasta sida saxaafada ay aaminsan tahay waxaan u muuqdaa qashin, laakiin tirooyinka iyo istaatistikada been ma sheegto” ayuu yiri.

“Ma doonayo inaan cidna qiimotiro laakiin marka aysan joogin xiddigaha waa weyn waa ay adag tahay in la guuleysto. Waan jeclahay inaan la ciyaaro Pepe, Karim Benzema, Bale iyo Marcelo.

” Kalama jeedo in Jese, Lucas Vazquez, Kovacic aysan fiicneyn, aad ayay u fiican yihiin laakiin…”

Hadaba sidee hadalkaas uu u caawinayaa isku duubnida kooxda Real Madrid. Waxa uu jecel yahay istaatistikada shaqsiyadeed mana ahan wax xun laakiin waa inuu ogaado in kooxdaan loo dhisay inuu isaga ka dhex muuqdo.
Marka aad fursado qasaariso kulan guuldarro 1-0 ay kaa soo gaartay koox aad hal magaalo ku xafiiltantaan, lama joogo waqtigii aad qiimeyn ku sameyn laheyd ciyaartoyda kaa garab ciyaarta. Malahana taasi wuu gareystay ka dib saacado markii ay ka soo wareegtay hadalkiisa.

Wuxuu u waramay jariirada AS oo uu u sheegay inuusan kala jeedin inuu ka fiican yahay ciyaartoyda kale ee kooxdiisa kale balse uu kala jeeday hadalkiisa in kooxda ay diloodeen dhaawacyada ay ku maqan yihiin xiddigaha waa weyn. Kabtan Sergio Ramos ayaa isna difaacay Ronaldo isagoo yiri: “Uma maleynayo inuu sidaasi ku fekerayo.”

Hadaba yaanan la ilaawin in Ronaldo uu 31 sanno jir yahay, sidaasi darteed xagaagan waa fursadii ugu danbeysay ee ay Real ku heli laheyd qiimo qaali ah. Ka dib hadalkaan ay carada ka keentay waxaa laga yaabaa inuu ku ogaado inuusan aheyn ciyaaryahan aan la bedeli karin, waxaana saadaasha ay tahay in Ronaldo uu durbaba sii goostay tikidhkii uu kaga tagi lahaa Madrid.

Maxay kula tahay adiga? Fekerkaaga ku aadan hadalka Ronaldo iyo mustaqbalkiisa kooxda waxaad inoogu soo qortaa qeybta hoose ee aragtiyada..

RONALDO

Waxaa Qoray: Saed Balaleti

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...