Guardiola Oo Saxiixiisa Ugu Horeeya Ka Dhiganaya Aymeric Laporte & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Maanta.

Maanta oo isniin ah iyo waxyaabahii ugu waaweynaa ee suuqa kala iibsiga laga qoray ayaan idiin soo gudbin doonaa inagoo mar walba sheegi doona halka aan kasoo xiganay taasoo naga beri yeeleysa xaqiijinta jiritaanka warkaan.

Manhester United ayaa isha ku heysa 21-jirka reer Scotland ee kooxda Hull City Andrew Robertson, daafacaan bidix waxaa sidoo kale doon doonaya kooxaha Arsenal, Spurs iyo Man City. (Daily Star)

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu 21-jirka Athletic Bilbao Aymeric Laporte ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya marka uu la wareego talada Manchester City xagaaga soo aadan. Xidigaan reer France ayaana la aaminsan yahay in Heshiiskiisa lagu jabin karo 40 Malyan Oo Pound. (The Sun)

Tababarahii hore England Fabio Capello ayaa shaaca ka qaaday in Antonio Conte uu mudo isku diyaarinayay shaqada Stamford Bridge, xili haatan la rajeynayo in xilkaas loo magacaabo. (Express)

Farhad Moshiri oo dhawaan ka mid noqday milkiilayaasha Everton ayaa u balan qaaday tababare Roberto Martinez inuu kooxda ku maalgalin doono 100 Malyan Xagaagan. (Daily Mirror)

Kooxda Arsenal ayaa qiimeyneysa xaalada 20-jirka garabka uga ciyaara Newcastle United Rolando Aarons kaas oo ku fashilmay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa. (Daily Mirror)

Waxaa Qoray: Abdirashid “Shardinho”

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay Shan nin oo kufsaday Gabar yar iyo Muran ka taagan weli
- Apr 29, 2017
Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug ee gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Nuur Cali (Gadaar), ...
DHAGEYSO:- Diyaaradaha Kenya oo lagu eedeeyay Duqeymo ay la beegsadaan Shacabka Gedo
- Apr 29, 2017
Sahal Macallin Aadan Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ...
DHAGEYSO:- Gabar Biriq ay ku dishay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad kale oo dhaawacmay
- Apr 29, 2017
Deegaanka Xaaji Cali oo qiyaas ahaan 20 Km  u jira Degmada Cadalle ee Gobolka ...
DHAGEYSO:- Qaban qaabadii ugu dambeysay Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka socota
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Cabdiqani Aadan Gargaar oo ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu ...
Arrin aan Wanaagsaneyn oo laga soo sheegayo Degmada Afgooye iyo Wiil Dhalinyaro ah oo..
- Apr 29, 2017
Wararka naga soo gaarayo Tuulladda Cumar Beere oo 7 KM dhanka Galbeed kaga toosan ...
DHAGEYSO:- Musharax Axmed Shariif oo Siyaasiyiin Waa Weyn ay Ololaha la wadaan iyo Rajadiisa oo la..
- Apr 29, 2017
Musharax Axmed Shariif oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa ...
DHAGEYSO:- Xildhibaan Maxamuud “ Amaanka Xildhibaanada Madaxweynaha ayaa Dayacay, Sidaan kuma dooranay balanteena ma oofin”..
- Apr 29, 2017
Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, sidoo kalena xalay ka badbaaday qarax ...