Deg-Deg:Xiriirka Kubada Cagta Spain Oo Ku Dhawaaqay Waqtiga La Ciyaari Doono Kulanka Lugta Labaad Ee El Classico Ee Barcelona Vs Real Madrid.

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa ku dhawaaqay waqtiga sida rasmiga ah ay isku qaaabili doonaan labada koox ee ugu waa weyn dunida kubada cagta waqto xaadirkaan ee Barcelona iyo Real Madrid kulanka lugta labaad ee horyaalka dalka Spain.

Liga BBVA ayeey labada koox ee ugu waa weyn dalkaaso Spain isku food saari doonaan 2 da bisha April ee soo aadan iyadoo kulanka uu bilaaban doono maeka ay saacada bartamaha iyo waqooyiga yurub ka tahay 20:30 daqiiqo sida lagu cadeeyay boga rasmiga ah ee xiriika Spain.

Kulanka luggii hore ee El Classico ee ka dhacay Bernabeu ayeey kooxda ugu loobabka badan qaarada yurub ee Real Madrid kala kulantay ceeb taasoo keentay in jamaahiirta Madridistas ay fadhiga uga kacaan kabtanka Barcelona ee Iniesta oo soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo koobkii aduunka ee 2010 waxaaba Los Blancos lagu gumaaday 4-0.

Dhibta ugu weyn ayaa ka qabsan doonta sidii ay uga aargudan lahaayeen Barca oo xili ciyaareedkaan markale ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah kuwaasoo isha ku haya iney jabiyaaan rikoorka guuldaro la’aanta Madrid ee 38 da kulan ah.

Waxaa Qoray: Abdirahman Qoslaaye

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Faahfaahin: Dagaal Ciidan ka Tirsan DFS ku dhex maray Warshiikh iyo Eedeymo la isu jeedinayo.
- Jun 22, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in khamiistii maanta ...
Deg-Deg+Sawiro: Weerar Qarax ah oo loo adeegsaday Gaari oo Gowr dhacay Muqdisho “Warar Hordhac ah”.
- Jun 22, 2017
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka ...
Daacish oo Burburisay Masaajidkii ugu Waynaa ee ku Yaalay Magaalada Mosul.
- Jun 22, 2017
Meletriga Dalka Ciraaq ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay gubeen masaajidka weyn ee ku ...
Daawo Magaalo ku taal Africa oo Noqotay Tan ugu Qaalisan Caalamka, uguna Dhismaha Qurxoon.
- Jun 22, 2017
Magaalada Luanda ee caasimadda u ah dalka Angola ayaa noqotay magaalada ugu qaalisan caalamka ...
Sawiro: Wiilka Boqor Salman oo Xilka Amiirnimada Maanta kala Wareegay Ina Adeerkiis.
- Jun 22, 2017
Waxaa magaalada Barakeesan ee Makka lagu qabtay munaasabad balaaran ay xilka kula kala wareegayeen ...
Socdaalkii Farmaajo ee Uganda iyo Shirar Muhiim ah oo wali ka Socda Kampala.
- Jun 22, 2017
Maanta Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda waxaa ka Furmaya Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga,waxaana ...
Dhagayso: Puntland oo ka Walwalasan in Alshabaab ay weeraro ka Gaystaan Magaalada Gaalkacyo.
- Jun 22, 2017
Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa waxa uu ka hadlay xaalada ...