Caruurtii Man United Ee Garaacay Gunners Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Wanaagsan Isbuucaan Horyaalka Ingiriiska.

Man United ayaa ku yeelatay shaxda kooxda isbuuca ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska xidigaha ugu badan kadib markii ay
guul ka heleen Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford Axaddii.

Shabakadda caalamiga ah ee Goal.com ayaa shaxda todobaadkaan kusoo daray daafaca da’da yar ee Red Devils Varela kaas oo kaalin weyn ka qaatay guushii ay kooxdiisa gaartay Axaddii isagoo qeyb weyn ku lahaa sadexdii gool ee kooxda.

Sidoo kale Marcus Rashford ayaa si lama filaan ah laba gool mudo 3-daqiiqo ah uga dhaliyay Petr Cech wuxuuna muteystay in lagu soo daro shaxdan, halka Memphis Depay isna uu si fiican u ciyaaray.

Kooxda kaalinta labaad ee horyaalka Tottenham Hotspur ayaa ku yeelatay laba xidig waxaana laga soo qaatay dhaliyaha goolka ay guusha ku gaareen Axaddii ee Danny Rose iyo Eriksen, sidoo kalana Fabianski ayaa lagu amaanay inuu wax badan ka sameeyay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Spurs.

Bransilav Ivanovic oo Chelsea guul uga hogaamiyay Southampton, weeraryahanka jooga dheer ee Stoke City Arnautovic, xidiga awooda leh ee Crystal Palace Wickham, daafaca Leicester City Morgan iyo xidiga dhexe ee West Brom Gardner ayaa buuxiyay shaxda todobaadkaan.

KOO

Waxaa Qoray: Abdirashid “Shardinho”

Isha Ku Hay Alljubland Media

alljubbalandmedia@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Advertisement

WARARKII UGU DANBEEYAY

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Maxkamad lagu soo taagay Dalka Hindiya
- Apr 26, 2017
Tiro Muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa Maxkamad waxaa lagu soo taagay dalka Hindiya waxaana lagu ...
DAAWO:- Sawiro laga soo qaaday Ragga iyo Gaariga Xamuulka ee Qaraxyada waday ee lagu qabtay Boosaaso
- Apr 26, 2017
Ciidamada Maamulka Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay gaari Xmauul ah iyo shan qof ...
DHAGEYSO:- Dilkii 45 qof oo Soomaali ah loogu geystay Yemen oo War laga soo saaray
- Apr 26, 2017
Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Baarlamaanka ...
Dad Itoobiyaan ah oo lagu haystay Gobolka Sool oo la soo badbaadiyay
- Apr 26, 2017
Howgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee Gobolka Sool oo uu hor kacaayay taliyaha qaybta Booliska ...
DHAGEYSO:- Musharaxiin Caan ah oo ku Wajahan Magaalada Cadaado iyo Qorshe Cusub oo Socda
- Apr 26, 2017
Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta ...
DHAGEYSO:- Shacabkii Gobolka Gedo lagu laayay iyo Odayaashii aaday oo loogu hanjabay in la dili doono..
- Apr 26, 2017
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeynta diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanka Wargadud ee ...
DHAGEYSO:- Dhalinyaradda Muqdisho oo ka niyad jabay Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa
- Apr 26, 2017
Dhalinyaradda Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qurba joogta ...